Xildhibbaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Saaka Ku Geeriyooday Dalka Jabuuti+Magaca Xildhibaanka

0
19

Hargaysa (Saxilnews.com)-Wararka hadda nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in xilddhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland uu ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo si wayn u taabacsanaa,waxaana uu xaalad caafimaad u tagay dalka Jabuuti isaga oo saaka subaxii horena la sheegay inuu ku geeriyooday magaalada Jabuuti.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa laga soo doortay gobolka Gabiley,waxaana uu ahaa macalin wax soo bara arday badan oo qaarkood ay hadda xukuumadda ka tirsan yihiin,sidoo kalena waxa uu ahaa gudoomiyaha arrimaha Bulshada ee golaha wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa la filayaa in lagu aaso magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Innaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here