Xildhibaano Ka Tirsan Baarlaamka Ayaa Booqday Dekeda Berbera Iyo Goobo Kale .

0
19

Berbera (Saxilnews.com)-Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada jsl ayaa manta soo gaadhay magaalo xeebeda Berbera waxayna kulamo la qaateen maamulka gobolka iyo degmada Berbera .

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye ) ayaa sheegay inay socdaal ku maridoona haaydaha laamaha dawlada sida Dekeda , haamaha iyo xafiisyada maamulka waxaanu intaasi raaciyey inay u kuurgalayaan dhoofka xoolaha iyo sida uu wakhtigan yahay .

Gudoomiyaha Gobolka saaxil Dr Axmed Xaashi ayaa soo dhaweyey waftiga sidoo kale warbixin ka siiyey xaalada guud ee gobolka saaxil oo roobab ka curteen .

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa kulan la qaatay mareeyaha guud Dekeda Berbera Siciid Xasan cabdilaahioo uga waramay xaalada Dekeda Berbera oo ku tilmaamay mid horumar kusii talaabsanaysa lana jaanqaadaysa Dekedaha caalamka , waxaa sidoo kale kwaramay markiibta ugu waawayn ee yimaada Dekeda uu sheegay inay sanadkii yimadaan ilaa 15 kun oo koontiiner .

Xildhibaanada ayaa waxay soo kormeereen Dekeda Cusub ee Berbera oo la filayaa in xadhiga laga jaro sanadka 2021ka .

Saxilnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here