Baladweyne (Saxilnews)-Xubno ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xildhibaannadan, ayaa Beledweyne u tagay laba qorshe oo mid uu yahay dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, iyo qorshaha labaad oo ah howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.
Xildhibaannada ayaa halkaasi waxa ay kula kulmeen mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, oo ay kala hadleen arrimahaas.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com