XILDHIBAAN NAC-NAC OO KA HADLAY DOORASHADA SOO SOCOTA IYO BAAQNA U DIRAY BEELO SOOL KU DIRIRAY

0
15

Hargeysa(saxilnews.com)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku halku marayo, gaar ahaan Doorashooyinka isku sidkan ee la filayo inay dalka ka dhacaan, roobabka curtay iyo dagaalkii dhawaan dhexmaray laba Beelood oo wada dega Gobolka Sool.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), oo la hadlay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Doorashooyinka “Laba Doorasho oo kala ah Doorashada Wakiillada iyo Doorashada Deegaanka ayaa inagu soo fool leh oo dalkeena mar qudha ka wada qabsoomaya, markaas inaynu Doorashooyinkaas isku diyaarino ayaa la inooga wada baahan yahay, cid kastana inay masuuliyadda kaga soo hagaagta Doorashooyinka inay xil iska saarto ayaa loo baahan yahay, haddii ay ahaato Xisbiyada, Komishanka, Musharixiinta, Dawladda iyo Shacabkaba, si fiicana way inoogu dhici doonaan Doorashooyinkaasi”.

 

Mar wuu ka hadlaayey roobabka curtay ayaa yidhi “ALLE oo qudha ayaa abaaraha iyo culays walba inaga dulqaadi kara, waana ALLE mahaddii haddii wuu roobkii inoo curtay, inkastoo roobkii inoo da’ay, haddana meelo badan oo aanu roobku ka da’in ayaa jira, abaarihina weli wey jiraan, ee mar kasta dadkeena dhibaatooyinku haystaan aynu ogaano, oo aynu wax tarno”.

Mar uu ka digayey in nabadgalyo daro ayuu yidhi “Nabaddu waa qaali, wax la siistaana ma jiraan ee nabadad ha la ilaaliyo, oo labada Beelood ee dagaalamay waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada ilaaliyaan, oo ay heshiis kama dambays ah qaataan, iska ilaaliyaan in dagaal dambe dhexdooda ka dhaco”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here