Xildhibaan Maxamed Tuur-Tuur Waxa Uu Ka Mid Yahay 21 Xildhibaan Ee Golaha Deegaanka Degmada Burco ,
Waxa Laga Soo Doortay Deegaano Ballaadhan Oo Kala Tirsan Gobolka Togdheer Iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Ay Ka Jirto Abaar Baahsan Oo Saamaysay Dad Iyo Duunyaba,
Bulshadaasi Waxay U baahantahay Gar gaar Iyo Gurmad La Gaadhsiiyo Oo Lagaga Samata Bixiyo Abaarta Iyo Biyo La,aanta Isugu Bahaysatay,
Xildhibaan Maxamed Tuur tuur Waxa Uu Ka Gaabiyey Isla markaana Kaga Mashquulay Danihiisa Gaarka Ah Dadkii Soo Doortay Oo La Ildaran Haraad Gaajo Iyo Dayac Baahsan Oo Ka Dhashay Abaarta Baaxad Leh Ee Ku Gadaaman Deegaanadii Ay Ku Noolaayeen.
Waxaanu Tahli Kariwayay Inuu Xitaa Kormeer Ku Tago Deegaanadii Laga Doortay Iyo Dadkii Soo Doortay Ee Uu Codkoodii Ku Fadhiyo Korsiga. Waxaanu Uga Dhega Fududyahay Difaac Maayir Muraadka Burco,
Waxa Uu Xaq Iyo Xaq Daraba Ku Taageera Maayir Muraad Oo Uu Ku ilaaliyaa Korsiga Waxaanu Dedaal Iyo Juhdi Ku Bixiyaa Inuu Hal Bacaad Lagu Lisay Ka Dhigo Mooshinada Ka DhanKa Ah Maayir Muraad Ee Ay Keenaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco ,
Xildhibaan Maxamed Tuur-tuur Waxa Uu Ku Danbeeyey Masuul Ka fekera Tiisa Oo Keliya Isla Markaana Gees Maray Kaalintii Ay Ka Mudnaayeen Dadkii Siiyey Codkooda Iyo Dhaqaalahoodba. Oo Ay Maanta Haysto Dhibaato Xoogan Oo Ay Keentay Abaartu, Mana Jirto Haba Yaraatee Waxa Uu Dib Ugu Celiyey.
Bulshada Ku Dhaqan Deegaanada Laga Soo Doortay Xildhibaan Mxamed Tuur-tuur Waxay U Hanwaynaayeen, Inuu Waxa Badan Ka Qaban Doono Baahiyaha Kala Duwan Ee Ka Taagan Deegaanada Ay Ku Noolyihiin.Hase Yeeshe Taas Bedelkeedu Waxa Uu Noqoday Inay Kala Kulmaan Hungo Madhan Iyo Dulmi Aanu Qofna Xaqiisa Ka Baydhin Ee Uu Ku Joogsado. Halka Ay Xildhibaanada Dhigiisa Ahi Ay Ka War Hayaan Dadkii Soo Doortay Wax Badan Ay Qabteen Deegaanadii Laga Soo Doortay.
Si Kastba Ha Ahaate Xildhibaan Maxamed Tuur-tuur Waxa Uu Awoodiisa Isugu Geeyey Inuu Gaadh Ka Hayo Korsiga Maayir Muraadka Burco, Isla Markaana Waxa Uu Noqodo Qori Ciidid Uu Ina Muraad Laga Talaabo Caqabadaha Ka Ka Hor yimaada.