Xildhibaan ka Geeryooday Wakiilada iyo Wasiirka Maalgashiga oo Buuxin karta Booska uu ka Baxay

0
139

Hargeysa-(Dawan): ALLE ha u naxariistee waxaa geeryooday Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada Somaliland kuna geeriyooday magaalada Diri Dhaba ee dalka Itoobiya.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa laga soo doortay Gobolka Awdal,isla markaana ka soo  baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Wasiirka Maalgashiga Aamina Cilmi Fariid ayaa la sheegay inay tahay xildhibaanka liiska ku xigay dhinaca Golaha Wakiilada Somaliland, Isla markaana buuxin doonta booska Xildhibaan-nimo ee uu ka geeriyoodey Xildhibaan Nuur, haddii ay aqbasho.

Wasiir Aamina ayaa noqon doontaa xildhibaanka kaliya ee dumar ah ee ka mid noqon doonta Golaha Wakiilada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here