Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo laga digay iney gacan ka hadal isku beddesho

0
20
Sawirka Madaxda Dowladda Fedraalka iyo Doalad Goboleedyada xubnaha ka ah

Warbixin ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ka soo saartay Kooxda Xasaradda Adduunka ee ICG ayaa ka digtay xaaladdu iney isku beddeli karto gacan ka hadal.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan ayaa cirka isku sii shareertay wixii ka dambeeyey Golaha Shacabka Soomaaliya markii uu muddo kordhin laba sano ah uu u codeeyey.

Go’aanka baarlamaanka uu hay’adaha dowladda Federaalka uu muddo kordhinta labada sano ah u sameyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay natiija la’aan ku soo dhammaadeen kulammo dhex marayey madaxda dowladda federaalka, kuwo dowlad goboleedyada oo xal looga raadinayey khilaafka hareeyey doorashada dalka Soomaaliya.

ICG warbixinteeda maxay ku sheegtay?

Hay’adda ICG waxay sheegtay in dalka Soomaaliya oo ay ka taagneyd xasarad siyaasadeed uu haatan galay wajigii ugu halista badnaa.

Kaddib marki ay baarlamaanka Soomaaliya 12-kii April meel mariyeen go’aan ah iney dalka doorasha qof iyo cod ah ay ka dhacdo muddo laba saoa gudahood ah taasoo Madaxweyne Maxa’ed C/llaahi Farmaajo u suurtagelineyso inuu laba sano oo dambe uu xilka sii hayo.

Madaxweynaha Fedraalka Soomaaliya Maxa'ed C/llaahi Farmaajo

Tallabbada baarlamaanka uu qaaday oo ay ICG ku sheegtay inuu yahay mid dalka Soomaaliya oo xaaladdiisuba markii hore caga badan ku taagneen iney uga sii dareyso loona baahan yahay in miiska wadahadalka loo soo noqdo si khilaafka jira wadahadal loogu dhammeeyo.

Dhinacyada mucaaradkana tallabbadaasi baarlamaanka kaddib waxay ku dhawaaqeen iney dowlad ay ka barbar dhisayaan tan uu hoggaamiyo Farmaajo iyada oo ay billaabatay kala qaybsanaan siyaasadeed oo qabiil salka ku haysa.

Kooxda ICG waxay sheegtay inkasta oo laga dib dhacay, haddana beesha caalamka sida Midowga Afrika oo ay taageerayaan Mareykanka, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub in loo baahan yahay iney u istaagaan iney abaabulaan ayna hoggaamiyaan wadahadallo cusub oo dhexmara dhammaan dhinacyada daneeya siyaasadd Soomaaliya si loo dejiyo tubti loo mari lahaa doorasha wakhtigeeda ku dhacda.

Madaxweyne Farnmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada waxay horay qalinka ugu duugeen heshiiski 17-kii September oo dalka ku jiheynayey iney ka dhacdo doorasha dadban inkasta oo meel marinta heshiiskaasi dhinacyadu ay isku waafaqi waayeen.

Muddo xileedka afarta sano ee madaxweyne Farmaajo ayaa ku ekaa 8-ddi Fabraayo mucaaradkuna waxay horay uga dalbadeen inuu madaxweynaha barrimaha doorashada iyo sugidda amnigeeduba uu u daayo xukumadda uu hoggaaminayo ra’isal wasaaraha Farmaajana uu hoos u dhigo awooddiisa madaxweyne si uu ula mid noqdo musharixiinta kale ee xilka raadceyneyso.

ICG waxaa kale oo ay warbixinteeda ku sheegtay go’aanka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu gaaray ee oggolaanayo dalka muddo laba sano gudahood ah iney ka dhacdo doorasha qof iyo cod ah ay ka dhalan karaan laba arrimood oo gacan ka hadal siyaasadeed dalkka u horseeda.

Tan koobaad oo ah dhinacyada siyaasadda ay Farmaajo isaga soo horjeedaan oo ay ka mid yihiin laba dowlad goboleed iyo laba madaxweyne oo horay xilka u soo qabtay iyo ra’isal wasaare hore oo isna xilka soo qabtay oo kaashanaya xubno kale oo mucaarad ah iney abuuri karaan isbahaysi xooggan oo mucaarad ah oo qabiilna salka ku hayo taasoo caqabad ku noqoneysa hirgelinta labada sano ee muddo kordhinta ah.

Tan labaadna waxaa cabsi weyn laga qabaa khilaafka siyaasaded ee taagnaa oo siyaasiyiinta un ku koobnaa inuu u gudbo laamaha ammaanka oo ay ciidamada hab qabiil ah u qaybsamaan iyada oo saraakiil ay ka mid yihiin General saadaq Joon iyo ciidama daacad u ah oo dowladda dhexe ka tirsanaa ay uga soo horjeesteen muddo kororsiga ayna ula saftaan mucaaradka Farmaajo ka soo horjeeda.

Generalaal Saadaq Joon

ICG waxay warbixinteedu ku sheegtay xaallinta xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan iney sahlaneyn.

ICG waxay sheegtay iney jirin wax lagu beddelan karo in la helo gacan seddexaad oo dhexdhexaadisa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya si dhinacyada ishayo looga mideeyo arrimaha ay isku mari la’yihiin oo salka ku hayo doorashada. Xaaladda siyaasadeed oo sii taagnaata oo aan xal waara loo helinna waxay ICG sheegtay iney hakad gelineyso dadaalladi koobnaa ee laga gaaray siyaasadda Soomaaliya taasoo fursad u siineyso maleeshiyaadka Al-shabaab iney amniga dalka wax u dhimaan.

Ugu dambyena hay’adda ICG warbixinta dheer ee ay ka soo saartay xiisadda siyasadeed ee ka aloosan waxay ku soo gunaanaday in loo baahan yahay beesha caalamka iney wax badan ka qabtaan hay’adda oo beesha caalamka uga hambalyeysay sida ay mowqif mideysan uga qaateen oo ay ku diideen muddo kordhinta iyadoo ay bayaanno adag soo wada saareen Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD, mustaqablkana ay u diyaar garoobaan sidii dhinacyada siyaasadda Somaaliya isku haya oo ay wax ka dhaqaaqi waayaan ay cunaqabateyn ay ku bartilmaameedsanayaan ay u saari lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here