Xidhiidhkii Turkiga Iyo Madaxdhaqameedka Somaliland oo Weji kale Yeeshay

0
21

Hargeysa( SAXILNEWS/Yool)_Boqor Cismaan Aw Muxumuud (Buur-madow) oo kamid ah Madaxda dhaqanka Somaliland oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa ka dhawaajiyey weedho iyo hadallo dareen leh oo iftiiminaya muuqaalka midabo ay adag tahay sida meel la iskugu keeno, kuwaasoo qaarkood ka hadlaayen dhawaaqii xan-fallaydu siday ee ku saabsanaa shir Dawladda Turkigu u qorsheysay inay ku kulansiiso Madax-dhaqameedka Somaliland iyo kuwa Somaliya, iyo sidoo kale, weedho si kakan u durayey shaqsiyaad hadallo isku lid ah ka bixiyey dhawaaqii Suldaan Yuusuf Xiiray, kuna saabsana aqbalka ka qayb-galka shirka Shadaadiintu soo werisay. Boqor Cismaan oo hadalladiisa laga dhaadhaminaayey xog-ogaalnimo badan oo ku saabsan arrimaha Turkiga ee la xidhiidha Wada-hadallada Somaliland iyo Xukuumadda Somaliya, waxa uu sheegay in qunsulka Dawlada Turkiga u fadhiya Hargeysa anu hore dalka u joogin balse uu hadda yimi Maantana, (Shalay) ay wada joogan Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale, Boqor Cismaan waxa uu si adag u duray Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran cadde, kuna canaantay qaabkii uu ula hadlay dawlada Turkiga, isla markana Jawaabta Wasiirka ku fasiray mid ka turjumeysa in aanu la socon siyaasadda xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Geesta kale, Boqor Cismaan waxa uu ku tilmaamay dhamaan hadalladii lagaga dareen celiyey hadii ay jirto faro-gelinta Turkiga inay yihiin kuwo dalka lagu go’doominaayo, isagoo tusaale usoo qaatay dawlada Turkiga.hadalladiisa oo faahfahsana waxa ay u dhignaayeen sidan. “waxan ka xumahay in Siyaasiyiintanu saxada Somaliland u ekeysiiyan Elatariya oo lix dawladood ayaa hareeraha ka xigoo lixdaba waa ka go’doon. Hadii labada safaradood ee inoo yimaada aynu erino, waxan idiin cadeynayaa in aanu jirin Madax-dhaqameed dawlada Turkigu lasoo xidhiidhay, sida dadka saarka qaba ayaa durbaan loo tumayaa, dawladii waraaquhu imanayen ayaa weerartay Safaaradii, Siyaasadda wanu u dhuun-daloola, (Shalay Doraad) ayuu qunsulkii Dawlada turkigu usoo magacawday Somaliland usoo degay, (Maanta Shalay) wuxuu la jooga Siilaanyo, Marka dadka joornaalada yaryar wax loogusoo qoray ee qaylinaaya yaanay Siyaasadda ka hadlin.waxanan aad u amaanayaa qurba jooga somaliland ee dalka turkiga, oo ah dad waxbartay ee dawladaha ay la joogan ka dhaadhiciyey qadiyadooda”.

Hadaba, weedhaha iyo hadallada kakan ee Boqorka ayaa ah kuwo ujeedkoodu aanu kala cadayn, inkastoo, weedhaha qaarkood muujinayaan in Boqorku wax weyn kala socday dhaq-dhaqaaqii arrintan iyo sidii ay kusoo gaadhay Somaliland, waxa kaloo aan meesha ka madhnayn jiritaanka xidhiidh dhow oo boqorku la leeyahay Dawlada turkiga iyo wakiilada Mandaqada u jooga.

Si kastaba ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqyadan siyaasiga ah iyo hadalladan dareenka leh, ayaa u muuqda kusoo badanayaa Somaliland, kuwaasoo hadii ay sida kusii socdaan Somaliland ku keeni kara burbur iyo faro-gelin dibadeed.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here