Xidhiidhkii Dawlada Somaliya Iyo Imaaradka Oo Halkii Ugu Xumaa Gaadhey Iyo Imaaradka Oo Safiirkii Moqdisho Ka Fadhiyey 24 Sacadood Gudahood Ugu Yeedhay

0
26

Muqdisho (Saxilnews.com)-Wararka aanu ka helayno magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya waxaa ay sheegayaan in Dowlada Imaaraadka Carabta ay u yeedhtay Safiirkeeda ka howlgala Somalia, gaar ahaan Xarunta magaalada Muqdisho.

Image result for Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi

 

 

Wararkan oo aan wali si rasmi ah loo cadey aya sidii  kale  intaasi ku daraya in dowlada Imaaraadka ay 24saac gudaheeda ugu baaqday in Safiir Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi uu kusoo gaadho magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka.

 

Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi, ayaa ka howlgalaayay magaalada Muqdisho dhowr sano laga soo bilaabo xiligii uu dalka ka ariminaayay Shariif Sheekh Axmed

U yeedhida Safiirka cusub ee Dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia, ayaa la sheegay inay la xidhiidhto Khilaafka diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka kaa oo dhawaan ka dhashay Saldhigga Milliteri oo ay Imaaraadka ka dhisanayaan Magaaladda Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here