Xiddiga Liverpool Ee Ay Godkiisa Biyaha Ugu Galeen Dhawaana Uu Diogo Jota Booska Kala Bixi Karo Oo La Tilmaamay

0
31

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa ka hadlay saxeexa cusub ee kooxdiisii hore ee Diogo Jota oo qaab cajiib ah ku bilawday nolosha Anfield iyo waliba xiddiga uu dhawaan deg-dega ugala bixi karo booska.

Souness ayaa sheegay inuu Jota booska kula tartami doono weeraryahanka dhexe ee kooxda ee Roberto Firmino kaas oo ciyaar ahaan hoos u dhacay tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Portugal ayaa soo dhaliyay saddex gool saddex kulan oo uu Anfield ugu ciyaaray Liverpool Premier League xilli uu xalay goolkii guusha ka dhaliyay West Ham United ciyaar ay 2-1 ku adkaadeen.

AdvertisementsGraemes Souness ayaa aaminsan in Diogo uu kaliya wakhti ka xigo inuu booska kula tartamo Roberto Firmino isla markaana uu kaliya horumar samayn doono maadaama oo uu wali 23 sano jir yahay.

Graeme oo u warramaya Sky Sports kaddib kulankii West Ham ayaa yidhi “Waxaan qiyaasan karayaa inuu si dhakhso ah ula loolami doono Firmino booska kusoo bilaabashada”Maxaa diidaya? isagu gool dhalin ayuu leeyahay, gool ayuu dhalinayay saddex kulan oo kasta oo Wolves ah haatana waxa uu ka tirsan yahay koox midii hore ka wanaagsan sidaas darteed waa inay midaasi (Gool dhalintu) horumartaa, anigu in badan ayaa jeclahay isaga, 23 sano jir weeyaan, kaliya wuu sii fiicnaan karaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here