Hargeysa(Saxilnews.com)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shaaciyey in Sucuudigu Xayiraadda ka qaaday Xoolaha Somaliland, ayaa la weydiiyey Xayiraadda Xoolaha laga qaaday inay tahay mid wakhti cayiman ah oo xilliga Xajka foodda innagu soo haya ku kooban iyo inay tahay mid Xajka iyo ka dib-ba sii socon doonta, ayaa ka gaabsaday inuu jawaab cad oo rejo ka badan ka bixiyo Su’aashaas, isla markaana ku gaabsaday inay rejeynayaan in dhoofinta Xooluhu sii socoto Xajka ka dib oo ay ku dedaali doonaan, balse ma caddaynin nooca dammaanadda ama oggolaanshaha ay Boqortooyada Sucuudiga ka haystaan.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi-Cukuse oo ay weheliyaan Masuuliyiin Wasaaraddaas ka tirsan, ayaa Axaddii shalay Kormeer ku tegay Sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana shaaca ka qaaday in Dawladda Boqortooyada Sucuudigu Xayiraadda tan iyo sannadkii hore saarnayd dhoofka Xoolaha ka qaadday, wakhtiga Xajka ee sannadkanna Xooluhu u dhoofi doonaan waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo Isna noqonaya Suuq cusub oo soo kordhay.
Sayladda Xoolaha ee magaalada Hargeysa oo ay Xoolo badan oo isugu jiray Adhi, Geel iyo Lo’, ayaa buuxay marka ay Wasiirka iyo Masuuliyiinta la socday Kormeerka ku marayeen Sayladda, waxaanu Wasiir Cukuse oo la hadlay Warbaahintu faahfaahiyey ujeedka booqashadooda Sayladda Xoolaha, waxaanu sheegay inay tahay inay Bulshada ugu bushaareeyaan in Xoolaha laga qaaday Xayiraaddii Sucuudigu saaray bilawga bishii 12-aad ee sannadkii 2016.
“Ujeeddada Kormeerkan aannu ku nimi Sayladda Xoolaha ee Hargeysa waxa uu daarran yahay, inaannu Ummadda ugu bushaarayno iibkii ama dhoofkii Xoolaha nool ee tegi jiray Sucuudiga oo muddo innaga xayirnaa in la innoo furay, dedaal badan iyo Baryada Illaahay oo la innaga aqbalay, ka dib Dalka Boqortooyada Sucuudigu waxay innoo oggolaadeen inaynu dirno Moosinka Xajka Xoolihii noolaa ee aynu awalba diri jirnay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Waxaanu Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlaya Suuqa labaad ee ay wakhtigan helayaan Xoolaha Somaliland ee Sucuudiga soo labayn doona, waxa uu yidhi; “Dalka Imaaraadka Carabta ayaa isaguna Socdaalkii aannu ku tagnay ee Madaxweynuhu hoggaaminayey, wuxuu naga oggolaaday inuu si gaar ah citimaadyo innoogu furo oo uu noqdo dal kale oo aynu Xoolaha u dhoofinno oo Ganacsatada waawayn ee Carbeed ee Sucuudiga ee Sayladeheenna Xoolaha ka iibsada ay ku soo biiraan Tijaar kale oo Carbeed oo Imaaraadka Carabta ah.”
“Waxaannu isku dayeynaa inaannu iibka Xoolaha kordhinno dhulka aynu u dhoofin karno oo aynaan ku koobnaan inta immika aynu u dirno oo keliya. Waad ogtihiin oo waxaynu Xoolaha u dirnaa dalalka Khaliijka oo uu ugu weyn yahay waddanka Sucuudigu, waddamada kale ee Cumaan, Baxrayn, Yemen, Imaaraadka iyo Masar intaas oo dhan Xoolaha aynu u dirno waxa ka farabadan Xoolaha aynu u dhoofinno Sucuudiga. Waxaynu daydayeynaa Ummada farabadan iyo Dalal farabadan oo Dunida ah oo u baahan iibka Xoolaha inay ka qaybgalaan.”
“Laakiin, duruufaha ganacsi ee ku xeeran ee hadday noqon lahayd mastaafaha aynu isu jirno ama ay noqon lahayd Gaadiidka Xoolaha qaadi lahaa ama ay noqon lahayd xidhiidhka aynu waddamadaa la leenahay, ayaannu doonaynaa in Illaahay nala qabto, Annaguna aannu isku-dayno inay innoo fududaato oo Saylad intan ka ballaadhan aynu helno, waayo? Xooluhu waa Laf-dhabarta Dhaqaaleheenna ee Lacag adagi dalkeenna ka soo gasho.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse, waxaanu sheegay in Sicir-bararka dalka ka jira ay wax ka qaban doonto Lacagta adag ee dalka ka soo geli doonta Dhoofka Xoolaha Xayiraadda laga qaaday.
Wasiir Cukuse oo VOA-da la hadlay, ayaa mar la weydiiyey in xaaladdii Xoolaha Sucuudigu ku joojiyey ahayd Xanuun ay sheegeen in Lo laga helay, markaa immika in xaaladdi is-beddeshay iyo sida uu u dammaanad-qaadi karo Caafimaadka Xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya, waxa uu ku jawaabay; “Xoolaha Soomaaliyeed, ama Neef kasta oo Soomaaliyi leedahay meel kasta oo uu ka joogo Geeska Afrika, waxaannu xaqiijinaynaa inuu Caafimaad qabo, oo Shilkii Xoolaha lagu joojiyey ee ka dhacay Dekedda Muqdisho, waxaannu xaqiijinaynaa inaanu ahayn mid wada saameeya Xoolaha Soomaalida meel kasta oo ay joogaan-ba. Annaga Somaliland waxaad arkaysaan Dhakhaatiirta, dhawaan waxa yimi Dhakhaatiir Sucuudigu soo diray, waxay mareen Maxjarrada Xoolaha, waxay wada eegeen Xooleheenna oo ay tijaabo ka qaadeen, waxay eegeen Laababkeenna, waxay qireen inaynu buuxinnay Shuruudihii Caafimaadka Xoolaha ee ay u baahnaayeen oo dhan, waana mid ka mid ah waxa innoo fududeeyey in Xoolaha la innoo furo.”
Mar Wasiir Cukuse la weydiiyey in Xayiraadda Sucuudigu Xoolaha ka qaaday ku kooban tahay Moosinka Xajka iyo in sidaa Xayiraadda lagaga qaaday oo dhoofka Xooluhu sii furnaan doono xataa Xajka ka dib, waxa uu ku gaabsaday oo uu yidhi; “Illaahay waxaynu ka rejaynaynaa inuu weligeed-ba innoo furnaado (dhoofka Xoolaha), dedaalkeennu waxa weeye inaanu ganacsiga Neefka Xoolaha ahi is-taagin, mar walba taas baan dedaal ugu jirnaa, immikana waxaannu ku rejo-waynahay inay sidaa ahaanayso (dhoofinta Xooluhu).” Mar la weydiiyey Wasiirka Tirada Xoolaha Berbera ka dhoofi doona wakhtiga Xajka, ayuu sheegay inay taasi ku xidhnaan doonto Tirada Dadka Xajaya sannadkan 2017-ka, oo tusaale ahaan uu xusay haddii Xoolo 3 Milyan ah loo baahdo in ugu yaraan ay Somaliland Hal Milyan oo Neef ka dhoofi doonaan.
Geesta kale, Ganacsatada yaryar ee Sayladda Xoolaha uu kula kulmay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA Barkhad Maxamuud Kaariye oo wax ka weydiiyey iibka Xooluhu sida uu yahay wakhtigan, ayaa ku cawday in Lacagta lagaga iibsanayo Xoolaha ay weli aad u hoosayso oo aan qiimaha Xooluhu weli kor u kicin. Hase-yeeshee, Wasiir Cukuse, ayaa ku dooday inay jiraan Dacaayado Ganacsatada ka dhaxaysa ee iibka Xooluhu wanaagsan yahay wakhtigan.
Ganacsatada Xoolaha dhoofin jirtay ee Somaliland qaarkood oo VOA la hadlay, ayaa iyaguna sheegay inay soo dhawaynayaan Xayiraadda Sucuudigu ka qaaday Xoolaha Soomaalida oo ay kuwa Somaliland qayb ka yihiin, waxaanay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Maxjarrada Caafimaadka Xoolaha dhoofaya lagu sii baadho u soo jeediyeen inay hubiyaan markasta Caafimaadka Xoolaha dhoofaya iyo kuwa la dhaqayo intaba, si aanay nashuushad dambe oo Xoolaha saamaysaa u soo bixin ama u iman.
Dawladda Boqortooyada Sucuudiga, ayaa 1-da bishii 12-aad 2016-kii, shaacisay inay hakisay dhoofsiga Xoolaha nool ee ay Soomaaliya ka dhoofsan jirtay, iyada oo dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ganacsatada Xoolaha dhoofin jirtay-ba ku wargeliyey in Xoolaha loo joojiyey Xanuun laga helay Sac ka mid ah Markab Lo’ ah oo Dekedda Muqdisho ka dhoofay dabayaaqada bishii 11-aad ee 2016-kii, waxaanay taasi saamaysay dhammaan Xoolaha Soomaalida ee Sucuudiga u dhoofi jiray.
Xigasho Wargeyska Ogaal