Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Federaalka Ethiopia Oo U Gacan Gashay Tigrayga

0
23

Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Federaalka Ethiopia Oo U Gacan
Gashay Tigrayga
Xarunta taliska ciidamada federaalka Ethiopia ee Waqooyi, oo ku yaalla
magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray ayaa waxaa qabsaday
ciidamada Tigray-ga, waxaa sidaas xaqiijiyey afhayeenka dowladda.
“Magaalada Mekelle, waxay awood u yeesheen inay qabsadaan dhismaha oo
dhan sababtyoo ah ciidamo iyo shaqaale ku filan halkaas nooma joogin,”
waxaa sidaas yiri Ridwan Hussein oo ah afhayeenka Taliska Cusub ee
Xaaladda Deg Degga ah ee Ethiopia ee dhowaan la aas-aasay.Taliskan ayaa ah kii horseeday dagaalka hadda socda, kadib markii ra’iisul
wasaare Abiy Ahmed uu 4-tii bishan ku eedeeyey ciidamada Tigray-ga inay
weerareen xaruntaas, isaga oo kadibna amray weerar jawaab ah.
Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Waqooyi Jeneral Belay Seyoum ayaa
warbaahinta dowladda u sheegay in 550 oo askari oo ka mid ah ciidamada
Tigray-ga ay ku dileen dagaalka islamarkaana ay qabteen 29 kale illaa hadda.
Sheegashadan ayaa imaneysa maalin kadib markii dowladda ay sidoo kale
sheegatay in ciidamadeeda ay qabsadeen garoon diyaaradeed oo ku yaalla
meeel u dhow magaalada Humera ee ku dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea,
hase yeeshee TPLF ayaa beenisay sheegashadan.
Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya, waxaana kumanaan qof ay billaabeen inay
dalka ka qaxaan. Qiyaastii 2,500 oo Ethiopian ahaa ayaa illaa hadda la
xaqiijiyey inay ka gudbeen xuduudda ayaga oo u tallaabay dalka Sudan.
Boqolaal qof ayaa la rumeysan yahay inay dagaalka ku naf waayeen, hase
yeeshee tirada khasaaraha rasmiga ah ayey adag tahay in la xaqiijiyo
S

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here