Xarunta CPA, Oo Qoraal Kasoo Saartay Arrimaha Doorashooyinka Somaliland + [ Muuqaal ]

0
33

Hargeysa (Saxilnews.com):- Xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA ayaa qoraal kasoo saartay arrimaha doorashooyinka Somaliland, nuxurka qoraal dheer oo ay soo saartay xaruntu, ayaa lagu yidhi sidan:

Jaldiga Hore Ee Qoraalka Kasoo Baxay Xarunta Falanqaynta Siyaasadda Ee CPA

Kadib 18 sanno oo ay Somaliland kusoo dhaqmaysay habka xisbiyada badan iyo dastuurka dimuquraaddiyadda ku dhisan, Somalilnad waxay u muuqaataa inay ku fashilmasyo inay si buuxda u hubiso ku dhaqanka sharciga iyo fulinta ballanqaadkii siyaasadeed ha ahaadeen jileyaasha siyaasadda dhexdooda amaba hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo muwaadiniinta.

Qoraalka kasoo baxay xarunta falanqaynta siyaasadda ee CPA, ayaa lagu yidhi sidoo kale; ‘’Aad bay u khatar badan tahay marka rajada iyo aaminka muwaadiniintu ay ku qabaan hoggaamiyeyaashooda siyaasaddu hoos u dhaco, waxay aqoonsanayaan inay hoggaamiyeyaasha siyaasaddu danaynayn walaaca dadwaynaha, balse keliya ay danaynayaan hamigooda siyaasadeed.

Nuxurka Qoraalka Kasoo Baxay CPA

Qoraalka kasoo baxay xarunta CPA, ayaa gabagabada lagu soo afmeeray talooyin dhawr ah kuwaas oo kala ahaa in:

1.Siyaasadaynta habka doorashada si loo gaadho dano shakhsi amaba siyaasadeed inay dhaawici karto aaminka mustaqbalka ee cod-bixiyeyaasha iyo shaqada komishanka doorashooyinka sidaa darteed CPA waxay ugu yeedhaysaa daneeyayaasha ay ku jiraan golaha guurtida, xisbiyada qaranka iyo madaxwaynuhu inay ixtiraamaan rabtiaanka muwaadiniita ee ah in doorasho la qabto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here