Awbarkhadle(Saxilnews.com)-Magaalada Aw-Barkhadle oo ku dhawaad 40Km Magaalada caasimada ah ee Hargeysa kaga beegan jihada Bari ayaa waxa laga soo sheegayaa in halkaasi laga qoday xabaalo ku yaallay, kuwaasi oo la sheegay in lagala baxay lafihii dadkii markii hore lagu aasay.
Arintan oo layaab iyo mucjiso ku noqotay dadka deegaanka Aw-Barkhadle ayaa waxa lagu soo warramayaa in dadka xabaalaha qodanayaa ay yihiin dad ajaanib ah oo dhalasho ahaan kazoo jeeda dalka itoobita waa sida ay noo sheegeen dadka deegaanka awbarkhadle.
Waxaana sidoo kalena ay dadkani noo sheegeen in ay xukumadda Somaliland timi deegaanka isla markaana ay qab-qabtay ku dhawaad 3 ruux oo arrinkan lala xidhiidhanayo, iyadoona illaa haatan aanay jirin cid si toos ah uga hadashay arrintani oo ka tirsan laamaha amniga ee Somaliland.
Xabaalaha la qoday ayaa la sheegayaa in la qoday joog dheer oo hoose kuwaasi oo la sheegay in ay ku aasnaayeen dad culimadii hore ka mid ahaa.
Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in xabaalahan la qodo isla markaana lala soo baxo lafaha dadkii ku aasnaa,
Dhanka kale wararka aan helayso shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in ciidamada boolisku gacanta kusoo dhigeen qaar kamida nimanki qodi jiray xabaalaha ee la baxi jiray lafaha dadkii ku aasnaa.
Halkan hoose ka dhagayso hadaladii dadka deegaanka aw-barkhadle
berbera2002@gmail.com