Xaaska hoggaamiyaha Dubai oo ka mid ah madaxda bariga dhexe ugu caansan ayaa maxkamad ku taallo UK ka codsatay iney bixiso amar ay ugu ilaalineyso guurka qasabka ah.
Xaaska Sheikh Mohammed Al Maktoum, Amiirad Haya Bint al-Xuseen ayaa ah haweeneyda seddexaad oo oo ka baxsatay Imaaradka.
Bishan ayey ahayd marki ay sheegtay iney nafteeda u baqday oo ay hadda ku dhuumaaleysaneyso magaalada London.
Haddaba dacwadda kiiska Amiirad Haya iyo Seygeeda ayaa London ka furmay Talaadada Shalay.
Maxkamadda maxaa ka dhacay?
Amiirad Haya oo ka baxsatay Isutagga Imaradka ayaa codsatay in korinta carruurteeda iyada loo xilsaaro isla-markaana guurka qasabka ah laga ilaaliyo si aan looga xadgudbin.
Balse lama ogaan faahfaahinta codsigeedaasi, waxa kale oo ay Amiiradda maxkmadda ka dalbatay iney amar ka bixiso guurka qasabka ah in laga ilaaliyo.
Sheikh Mohammed wuxuu isaguna codsaday carruurtiisa in Dubai lagu soo celiyo, wuxuu sida oo kale maxkamadda uu ka codsaday iney maxkamadda xayiraadaha la saaray ay ka qaaddo, waloow codsiga Sheekha uu garsooraha diiday.
Amiirad Haya Bint Xuseen waxay May 1974-kii ku dhalatay dalka Urdun waxayna wax ka baratay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaalla Britain, waxayna isku aabba yihiin boqorka haatan ee Urdun Boqor Cabadallaha Bin Al-Xuseen II.
Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxayna ka soo qalin jebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba.
Waxay isku aabe yihiin boqorka haatan ee Urdun, Boqor Cabdalla Bin Al-Xuseen, balse hooyadeed, Boqorad Calya, waxay ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay 1977-kii.
Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed kadib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xiriira.
Sannadkii 2004-tii ayay is guursadeen Amiir Maxamad Bin Raashid, kaddibna waxay noqotay madaxa ururka fardayahannada caalamka, sannadkii 2014-ta ayay xilkaasi iska casishay 8 sano oo ay haysay ka dib.
Waa tuma Haya Bint Xuseen: Amiraadda ka baxsatay Imaaraadka Carabta
Amiir Maxamad Bin Raashid isaga waxaa uu London ku leeyahay goobta ugu weyn caalamka ee lagu xannaaneeyo fardaha, taas oo ay ku nool yihiin 4,500 oo faras, ayna ka shaqeeyaan ilaa 1,500 oo qof.