Buhoodle (Saxilnews.com)-Ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa gaaf-wareegaya magaalada Buuhoodle gudaheeda kuwaas oo ku hawlan sugida amniga magaalada Buuhoodle.
Ciidanka ku sugan jiida Buuhoodle ayaa u diyaar garoobaya sidii ay magaalada Buuhoodle uga saari lahaayeen kooxda nabad diidka ee uu horkacayo dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh, balse wararka ay helayso shabakada wararka ee Maalmaha News waxay sheegayaan in wasiirka caafimaad Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye)uu ka hor taagan yahay ciidanka qaranka eek u sugan jiida Buuhoodle iney gacan u qaadaan amaba ay magaalada xoog kaga saaraan Cali khaliif Galaydh, iyadoo wuu wasiirku Xaglo-toosiye danaynayo in aanu dagaal ka dhicin magaalada Buuhoodle si aanay u wax yeeloobin dadka magaalada Buuhoodle dagan taas badalkeedana Wasiir Saleebaan ciise wuxuu danaynayaa inuu ka dhursugo go’aanka ay odayaasha reer Buuhoodle ku kala tageen oo ah inuu Dagaal oogle Cali khaliif iyo wixii wataaba magaalada is nabad ah iskii uga baxaan. Arrin taasi oo sida la sheegay ay odayaashu ku maqan yihiin.
Wasiir Saleebaan xaglo-toosiye ayaa la sheegay inuu wacad ku maray in hadii uu Cali khaliif nabad kaga bixi waayo Magaalada Buuhoodle amaba uu qaadan waayo go’aankaa ay ula tageen madax dhaqameedku inuu gacantiisa kaga saari doono isagoo kaashanaya ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan Buuhoodle.
Magaalada Buuhoodle ayay xaaladeedu dagan tahay waxaana magaalada ilaa haatan gacanta ku haya ciidanka qaranka Somaliland oo iyagu si nabad ah u gaaf-wareegaya wadooyinka halbawlaha u ah magaalada Buuhoodle
WWW.SAXILNEWS.COM