Baligubadle (Saxilnews):- Xaalada magaalada Baligubadle ayaa maalmihii ugu danbeeyey kacsan islamarkaana qarka u saaran in kacdoon shacab ka dhex qarxo
Shacabka ayaa waxaa ay diidan yahiin amar la sheegay in uu ka soo baxay dhinaca xukuumada sare kaas oo ahaa in la joojiyo waaran qabasho ah oo loo soo jaray maamulaha kastamka magaalada Baligubadle Muddane Cabdi Jaamac Cali
Maamulaha ayaa sababta loogu soo jaray waaranka qabashada ay tahay ka dib markii la sheegay in maamuluhu uu diinta Caayey taas oo magaalada Baligubadle ay xadhig tahay qofkii diinta Caaya .
Sidoo kale waxaa xabsiyada magaalada Baligubadle ku jira dad ka badan 20 qof oo u xidhan kiiska ah in ay diinta cayeen
Lama garan karo sababta ay xukuumadu u hor istaagtey in la xidho masuulkan diinta caayey , waxaana xusid mudan in masuulkan ay isku beel yahiin madaxweyne Siilanyo .