WhatsApp oo shaacisay in ay dhaqan gelinayso isbedelladii laga cadhooday

0
23
.
.Shirkadda WhatsApp ayaa qorshaynaysa in aanay ka noqon wax ka bedel muran dhaliyey oo ay doonayso in ay ku samayso qodobada heshiiska adeegsiga aaladeeda, laakiin cadhadii go’aankaa ka dhalatay ka dib waxay haatan wax ka bedelaysaa qaabka ay u wargeliso dadka adeegsada aaladeeda.

Bilowgii markii ay arintaa shaacisay Jeeniweri, malaayiin qof oo adeegsan jiray aaladeeda ayaa u wareegay aaladaha shirkadaha la tartama Whatsapp.

Shirkaddan ay leedahay ta kale ee wayn ee Facebook ayaa hore u shaacisay in “warar qaldan laga baahiyey” isbedelka ay doonaysay.

Laakiin waxay haatan sheegtay in ay “ka fiirsatay” siday haboon ee ay ahayd in ay isbedelka dadka ugu sheegi lahayd.

Sida loo dhigay erayada digniinta wargelinta ahaa ayaa markii hore dhaliyey cabsi ah in WhatsApp xogta shakhsiga ee dadka adeegsada aaladeeday ay la wadaagayso Facebook.

Xaqiiqdii se, isbedel yar uun baa arintaa ka hir galay dadka adeegsada aaladeeda baankooduna waxay markii hore ba way ogolaadeen.

Si ay mar labaad isugu daydo in ay dadka u qanciso, WhatsApp waxay mar kale todobaadada soo socda ku wargelin doontaa isbedelka dadka adeegsada aaladeeda.

.
Qoraalka sawirka,.

Waxay macaamiisha ku dhiiri gelinaysaa in ay fahmaan marka cusboonaysiinta aaladda ay samaynayaan waxa isbedeli kara iyo waxa aan isbedeli doonin.

Fariimaha wargelinaya macaamiisha waxay ku gaadhsiin doontaa si shakhsi ah oo qofku ka akhrisan karo aaladdiisa.

Qorshahan cusub waxa loo mudeeyey inuu dhaqan galo 15 bishay May ee sannadkan.

WhatsApp oo teleefannada qaarkood aan ku shaqyan doonin

Dhanka kale shirkaddu waxay bishan Feeberweri bilowgeedii shaacisay in aaladeeda aanay ku shaqeyn doonin malaayiin taleefan.

Taleefannada ay soo saaraan Android iyo iPhone ee ku shaqeeya barnaamijta uu waqtigoodu dhacay ayaanan ku shaqeyn doonin bartan ay leedahay shirkadda Facebook.

WhatsApp ayaa sheegtay in tallaabadan ay lagama maarmaan noqotay si loo xaqiijiyoo ammaanka dadka bartaasi isticmaalaya.

Taleefannada qaaliga ah ee ku shaqeeya barnaamijka Android.

id ee 2.3.7 iyo kuwa ka da’da waynba, iyo midka iPhone iOS 8 ama ka sii wayn, ayey arrintan saameyn doontaa.

Barnaamijka uu ku shaqeeyo WhatsApp-ka ayaa waxa uu meesha ka saaraya barnaamijta qadiimiga ah ee aan la cusboonaysiin ama lagu shubay taleefannada cusub.

Inta badan dadka isticmaala bartaas ayey u suuragalaysaa inay cusboonaysiiyaan barnaamijka uu taleefankooda ku shaqeeyo si ay u sii wadaan isticmaalka adeegga farriimaha ee shirkadda.

.
Qoraalka sawirka,.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, taleefannada qaar sida iPhone 4s, kaas oo ku shaqeeya barnaamijka iOS 7 oo kaliya, ayaanan ku shaqeyn doonin barnaamijka WhatsApp.

“WhatsApp wax kale oo u furan malahan oo aan ka ahayn inay xaqiijiso in adeegeedu uu ahaado mid ammaan ah, hasayeeshee waxa ay shirkaddu wajahaysaa saameyn kaga imanayso taleefannada duqa ah ee aan ku shaqeyn doonin barnaamijkooda,” ayuu sheegay Ben Wood oo ka tirsan CCS Insight.

“Taasi waxa ay u badan tahay inay saameyso dad muddo isticmaalayay adeegan, gaar ahaan suuqyada koraya halkaas oo aad looga helo taleefannada duqa ah.”

WhatsApp, oo ah barnaamijkii afraad ee loogu soo dejis badan yahay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa 2017 waxa ay macaamiisheeda uga digtay isbadelka la sameyn doono.

“Waa ay adkeyd inaynu go’aankaas gaarno, hasayeeshee waxa uu mid sax ah si aannu dadka u siinno qaab wanaagsan oo ay ku wada xiriireen asxaabta, qoysaska, iyo dadka jecel inay isticmaalaan WhatsApp-ka,” ayuu yiri afhayeenka shirkadda.

Waa tallaabadii ugu dambaysay ee kuwo xiriir ah oo ay qaadday shirkaddan farriimaha taas oo ay kaga baxday dhowr qalab 2016, kaddibna ay kaga baxday dhammaan taleefannada Windows-ka 31 Diseembar 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here