Wejigii 8-aad Ee Wada Hadallada TURKIGA Oo U Burburey Mowqif Adag Oo Ergada Somaliland Ka Qaatey Calooshood U Shaqeystayaal Dawladda Muqdisho Matalayey

0
25

SAXILNEWS.COM   (ISTANBUL)   Wejigii 8-aad ee Wadahallada Dawladda Somaliland iyo Soomaaliya oo Axaddii doraad si rasmiya uga furmi lahaa Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa u burburay caqabado ay hor-dhigtay Dawladda Soomaaliya.
Shirka 8-aad ee ka furmi lahaa Istanbul ayaa suurto-gali waayay isla-markaana burburay, ka dib markii weftiga Somaliland uga qayb-galaya Wadahalladaasi ay diideen inay hor-fadhiistaan weftiga ka socday dhinaca Soomaaliya oo intooda badan ahayeen siyaasiyiin dhalasho ka soo jeedda Somaliland, hasa-yeeshee xilal ka haya dawladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xalay u waramay Laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA isagoo ku sugan Magaalada Istanbul ayaa isaga oo sharaxaya sababta wada hadalladaasi u burbureen yidhi “Wuxuu shirku u furmi waayay waxa la isku afgaran waayay qaabkii u furmi lahaa, taasi oo ah in haddii aanu Somaliland nahay inaanu horena u diidnay imikana diidan nahay inaanu wada hadallada fadhiisanno iyadoo dad reer Somaliland ahi fadhiyaan, markaa annaguna waxaanu ku adkaysanaynay mowqifkayaga, iyaguna mowqifkooda ayay ku adkaysteen, markaa sidaa awgeed ayuu shirku u furmi waayay”
Wasiirku wuxuu sheegay in si rasmiya ah labada wefti ugu kala dhaqaaqeen inay mar kale wada fadhiistaan “Rasmi ahaan waa look ala tagey, inkasta oo aan Magaalada Istanbul aan laga amba-bixin oo qolo walba ay sugayso diyaaraddoodii iyo wakhtigii ay dhoofi lahayd, markaa wakhti isuguma kaayo hadhin, rajana kama qabno, sidaas ayaana la isku maca salaameeyay”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in diblumaasiyiinta Turkigu isku dayeen inay heshiis dhex dhigaan labada wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya, hasa-yeeshee ay taasi shaqeyn wayday “Way isku dayeen diblumaasiyiinta (Turkigu) dedaallo ay labada dhinac ugu kala dab-qaadayeen, markaa waxaanu u arkaynay inay ku qanceen xujadayadii in aanaan aqbalayn (Inaanu siyaasiyiin Somaliland u dhashay aanu la shirno) oo waxaanu u sii sheegnay intii aanay Muqdisho ka soo dhoofin, qoraalna waanu ugu dirnay iyaga iyo Turkigaba in aanaan la fadhiisanayn cid ka soo jeedda Somaliland, markaa may dhageysan, laakiin Turkigu way arkeen caddeymihii, qolada kalena way ku war-geliyeen inay (qaladka) leeyihiin”.
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxa Caqabad ku noqday Wada Hadallada niman ka soo jeedda Somaliland oo ay soo qorotay (Soomaaliya) iyaga oo aan la matalin annaga, waayo annagu dad umaanu diran Xamar, waayo waxaanu nahay dawlad la yidhaahdo Somaliland, dadkeedu doortay, cod ku timid, markaa dadkii noocaas ahaa ee iyagu ay shaqada qorteen ayaanu ku nidhi la geli mayno shirkaasi” ayuu yidhi. Laakiin xubnihii ka socday Soomaaliya oo iyaguna go’aankoodii ku adkaystay ayaa sababtay in wada hadalladaasi burburaan, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ergada Soomaaliya ee Istanbul ku sugani shalay soo saareen.

War-saxaafadeedkaasi oo lagu baahiyey Idaacadda iyo Telefiishanka dawladda Soomaaliya ayaa ergada Somaliland ee Istanbul ku sugan ku eedeeyay inay masuul ka yihiin in wada xaajoodku burburo “Iyada oo laga amba qaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaal ka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Diisembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ayna xubno ka yihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo. Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah. Waxaa nasiib darro ah in wafdiga ka socda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, isla Hoteelka aanu shirku ka dhici lahaa uu ku guuldarreystay inuu soo fadhiisto madasha wadahadalka, isagaoo la soo baxay shuruurdo la xidhiidha dadka dhinaca Soomaaliya matali kara” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeedka ergada Soomaaliya, kaasi oo intaasi ku daray “Labada dhinac oo wadahadlaya midkoodna xaq uma laha in uu midka kale u yeedhiyo cidda ay tahay in ay matasho. Arrintaasi waxay xad-gudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaadhay iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee wada xaajoodka. Wafdiga Soomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed masuul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani”
War-saxaafadeedka ergada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu muujiyey in ujeeddadooda wada hadalka burburey ay ahayd midnimo Soomaaliyeed “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruudl a’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fadhiisto. Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatashi ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani” ayaa mar kale lagu yidhi qoraalkaasi oo sidoo kalena loogu Mahad celiyey dawladda Turkiga “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada dhinac….”
saxilnews.com//istanbul//office
hamzabarkhad21@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here