Wefdi Agaasimaha Guud ee Maaliyadda oo kormeer ku Tegay Marsada Berbera

0
117

Berbera (Dawan)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka Marsada Caalamiga ah ee Berbera, ayaa Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Maxamed Habane, warbixin ka siiyey habsami u socodka hawlaha dakhli ururinta ee Kastamka Berbera.

Agaasimaha Guud Md. Maxamed iyo wefdi uu hogaaminayo ee booqashada ku tegay Berbera ayaa Maamulaha Laanta Hubinta ee Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud iyo Maamule Ku xigeenka Laanta Hubinta Ee Kastamka Berbera Baashe Cige Cilmi, warbixino hufan ka siiyeen sida ay u socoto shaqada xafiisyadoodu iyo sida ay u socoto hawsha dakhli soo saarka iyo waafajinta sharciga guud ahaan badeecooyinka ka baxaya Marsada Berbera.

Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xuseen oo la hadlay masuuliyiinta Maaliyadda ee Berbera ayaa guud ahaan ku amaanay hawsha ay qaranka u hayaan, kuna dhiirigaliyey inay libin laabaan shaqada loo igmaday iyo Waax kasta shaqada ay hayso.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Md Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) ayaa Kormeeray Dekadda magaaladda Berbera oo ay ka socdaan shaqooyin mihiim ah.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here