Weerarkii New Zealand: Soomaalidii ka mid ahayd Muslimiintii lagu laayay New Zealand iyagoo tukanaya

0
21
Victims of mosque attacks

51 qof ayaa lagu dilay intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday labo masjid oo ku taalla Christchurch, New Zealand, 15-kii March 2019-kii.

Nin hubeysan oo dambigaasi geystay ayaa maxkamad horteeda ka qirtay weerarkaasi uu ku qaaday masaajiddada al Nuur iyo Linwood, xabsi daa’in ayaana lagu xukumay.

Waxaa dadka dhintay ka mid ahaa Soomaali masaajidka ku tukanayay marka uu weerarku dhacayay.

Waxaan halkan idin kugu soo koobeynaa magacyada Soomaalidii ku dhintay weerarkaasi. Waxay u tageen New Zealand inay nolol cusub ka abuurtaan iyaga iyo qoysaskooda.

Cabdiqaadir Cilmi

Cabbduqadir Cilmi

Wuxuu ahaa aabbe 70 sano jir ah oo dhalay afar carruur ah. Wuxuu ka yimid Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa dadkii lagu dilay masaajidka Al Nuur.

Wiilkiisa Saciid ayaa gaaray masaajidka iyadoo uu weerarku socday, ninka hubeysan markii uu arkayna wuu ka cararay goobta.

“Waa arrin naxdin badan leh. Aabbahey wuxuu ka badbaaday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya. Ma uusan lahayn waxyaabahaasi oo kale ayaa ka dhici kara New Zealand,” ayuu yiri Saciid oo la hadlay wargeyska Washington Post.

Mucaad Ibraahim

Mucaad

Mucaad oo seddax sano jir ahaa ayaa noqday qofkii ugu da’da yaraa ee lagu dilay weerarkaasi.

Wuxuu la socday walaalkii Cabdi iyo aabihii oo labaduba ka badbaaday weerarka.

Walaalkii Cabdi ayaa sheegay in Mucaad uu ahaa “wiil firfircoon, ciyaar badan, oo mar kasta qosoli jiray, aadna u dhoola caddeyn jiray”

Muuse Nuur Cawaale

Muusa Nuur

Muuse Nuur Cawaale wuxuu markii hore ka yimid Soomaaliya.

Xaas ayuu ifka kaga tagay, balse ma uusan dhalin carruur, sida lagu daabacay barta uu internetka ku leeyahay waregeyska Stuff News.

Waxaa la sheegay inuu ahaa macallin darasaadka Islaamiga ah ka bara iskuulka Hagley iyo masaajidka Al Nuur.

Xukunka lagu riday ninkii gaystay weerarka

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun ku ridday ninkii 51-ka qof ku laayay labada misaajid. Waxaa lagu xukumay xabsi daa’in aan cafis lahayn. Waa qofkii ugu horreeyay ee taariikhda dalka New Zealand soo mara xukunkan.

Ninkii weerarar masaajiddada

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale

Garsooraha ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa “bini’aadanimada ka baxsan” Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin “naxariis yar xitaa.”

Weerarkaasi ayaa ahaa mid dunida oo dhan ka argagaxday, kaasi oo dhacay 15-kii bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.

Weerarka ayaa waxa uu New Zealand u horseeday in la soo rogo sharci adag oo ka dhan ah hubka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here