Bamako (Saxilnews.com)-Weerarkii kooxda hubeysan ay shalay ku qaaday Hutel ku yaal caasimada Mali ayaa socday 9 saacadood waxaana la sheegay in weerarkaasi dadka ku dhintay ay yihiin 21 qof.
Hutelka Radisson oo kamid ah hutelada ugu qaalisan ee magaalada Bamako oo degenayeen dadka ajaanibta ah ayaa waxaa shalay gudaha u galay koox ka kooban ugu yaraan 2 qof oo si fiican u hubeysan kuwaasi oo hutelka gudihiisa ku qafaashay dad gaadhaya 170.
Ciidamada Dawlada Mali iyo kuwa shisheeye ee ku sugan dalkaasi ayaa ku guuleystay inay weerarkaasi soo afjaraan iyagoo dilay kooxdii weerarka geystay, waxaana goobtaasi laga soo saaray intii badneyd dadkii hutelkaasi degenaa iyo shaqaalihii oo muddo saacado ah halkaasi ku xanibnaa.
Waxaa weli la baadi goobayaa saddex nin oo hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka qeyb qaateen dagaalka.
Madaxweynaha Mali Ibrahim Keita ayaa sheegay inuu xaalad deg deg ah oo socon doonta 10 maalmood kusoo rogay dalka Mali iyadoo si weyn loo adkeeyey amaanka hutelada iyo xarumaha dawlada ee caasimada Bamako.
Koox xidhiidh la leh Al Qaacida ayaa sheegatay weerarkii shalay ka dhacay Hutelka Radisson Blue,weerarkan ayaa kusoo beegmayaa todobaad kadib weerarkii ka dhacay magaalada Paris. Dawlada Fransiiska ciidamo ka jooga dalka Maali ayaa ka caawinaya sugida amaanka.
Saxilnews.com