Hargeysa (SaxilNews):- Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa isaga oo ku sugan dalka Imaaradka carabka waxaa uu sheegay in ay bulshada Somaliland ay maanta diyaar u yihiin isla markaana ay soo dhaweynayan in uu madaxweyne dalka ka noqdo Cali Khaliif Galeydh madaxweynaha maamulka Khaatumo
Sidoo kale Boqor Buurmadow waxaa uu sheegay in aaminsan yahay in beesha dhexe ee Somaliland ay haysato saamiyo aanay laheyn balse diyaar loo yahay in la saxo sidaasna waxaa uu ku sheegay doodi maanta ee idaacada laanta afka soomaliga ee BBC
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkaas