Waxaan Maqli Jiray Dadka Kii Dhergaa Udaran By : Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed (Awalbari )

0
17

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaa beryahan soo batay niman dhalinyaro ah oo ubadan ganacsato haystana aduunyo kufilan meherado waawaynina ufuranyihiin oo intooda badan aabayashood iyo awoowayaashood utabceen balse halkii ay ka faaiidaysan lahaayeen hantidaas alle siiyay ka doorbiday xaaraan iyo wax aanay lahayn iyagoo isku mashquuliya oo isku howla inay Gacan-saar dhow layeeshaan masuuliyiinta dowlada iyagoo muraadka ay leeyihiina yahay inay usuuragasho waxyaabo badani oo ay kuhelaan dhaqaale aanay ku howshoon ama kusoo dhidin waxaana kamida Technicallity ga ay isticmaalaan 1-inay masuuliyiinta ukeenaan hadyado 2-inay lacago amaahiyaan si ay hadhow uga fushadaan wax badan 3-inay xaafadahooda geeyaan waxyaabo ay kahelaan caruurtu si hadhow caruurtu itidhaahdo Adeero Hebel ayaa noo keenay CAJIIB!!!!
HADABA DHIBTA UGU WAYN EE HADA TAAGAN AAN IDIIN SHEEGO
Dhamaan wixii dhul DAN GUUD ahaa iyo wixii dhismayaal & gaydhadh dowladu ay lahayd waxaa qaatay nimankaas hasii kala daraadaane sidoo kale waxay kudarsadeen wixii dhul qof jilicsani lahaa iyagoo adeegsanaya kuna daba dhuumanaya maanulka dowliga ah iyagoo kubixinaya lacagahaas aabayaashood uga tageen waana ayaan daro maanta kusok korodhay dalka Run ahaantii anigu indhahayga ayaan kaqaaday arintan aan idiin sheegayo waanay wada ogtahay bulshada reer Somaliland magaalooyinka ugu daranina waa Kuwa ugu waawayn ee ugu dhaq dhaqaaqa badan si kastaba ha ahaatee odhan lahaa waar how jooji oo jooji howlaha noocan ah (Hays gaabine isgaro walee inaanay kuu soconayne jooji) waxaan leeyahay bulshada gaar ahaan dhalinyarada BAAHIDA YAAN LAYDINKAGA FAA,IIDAYSANE DHEXDA XIDHA WAKHTIGIINII WUU SOO DHOWYAHAYE) waa iga talo MAHAD ALAA ISKA LEH

By: Cabdikhaalaq Cabdilaahi Aw Maxamed

Berbera-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here