waxaan ku amaanayaa sida geesinimada leh ee ay Golaha deegaanka Cardiff uga dhaadhiciyeen qadiyada somaliland,

0
18
Gudoomiye ku xigeenka Midnadlayaasha Caafimaadka Dr C.raxmaan Maxamed Axmed Doodi  oo kamid ahaa qurba joogta Cardiff  islamarkaana hada ku sugan Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa ayaa jaaliyada somaliland ku hanbalyeeyey Kartida , go,aanka geesinimada leh ee ku dayashada mudan  ee ay golaha deegaanka Cardiff ku hor geeyeen mooshinka aqoonsiga somaliiland, sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal kooban  oo uu soo gaadhsiiyey warbaahinta.
Warsaxaafadeed.
Waxaan salaan, hanbalyo iyo mahadnaq u dirayaa Jaaliyada Somaliland ee reer Cardiff dedaalka iyo isku duubinida ay sameeyeen , waxaan ku amaanayaa sida geesinimada leh ee ay Golaha deegaanka Cardiff uga dhaadhiciyeen qadiyada somaliland, kuna hor-dhigeen Mooshinka aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland   oo loo foodayo maalinta khamiista ah ee 26.03.2015.
Waxaan baaq u diryaa dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Wadanka UK inay  muujiyaan taageero iyo isu soo bax laga samayn doono xarunta County Hall ee golaha deegaanka Cardiff, uuna ka dhacaayo mooshinka aqoonsiga somaliland, Waxaana muuqata in maalinba maalinta ka danbaysa uu isi soo taraayo aqoonsiga  somaliland, waxaana hubaal ah marka la helo aqoonsiga maxaliga ah inuu imanaayo ka caalamiga ahina, lagana shidaal qaadanaayo  dedaalkii hore ay sameeyeen walalaheena Shaffield oo hore loogu aqoonsaday Somaliland.
Waxaan bogaadinayaa Xubnaha Ka Socda Xukuumada Somaliland  ee ay Hogaaminayaan Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis  Biixi iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax  kuwaas oo Gaadhay UK si ay uga qeyb galaan Guusha Aqoonsiga Somaliland oo miiska saaran, waxaanan rajaynayaa in lagu guulaysto ilaahayna aan ka baryayaa, sidoo kale  Waxaa hanbalyo iyo amaan mudan Dawlada Somaliland oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaheena Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee habeen iyo maalinba dedaalka ugu jirta inay garaacdo albaasb-kasta oo uu ku jiro aqoonsiga somaliland, waxaana muuqata intii dawladani talada haysay in markii labaad ay somaliland si madax banaan u aqoonsadaan  Jamhuuriyada Somaliland gole deegaan oo ay leedahay dawlada Britain.
Ugu danbayntii waxaan guud ahaan  bulshada somaliland ku hanbalyeynayaa  doorka horumarinta dalkooda ay ka qaataan iyo sida ay ugu adag-yihiin qadiyadooda, waxaan taasi mid lamida u diryaa dawlada somaliland  oo samaysay dedaal badan,  wax badana wax ka qabatay ilaa hadana baadi goob ugu jirta aqoonsiga somaliland.
 Bulshada Somalilandeey  guul iyo gobanimo waarta.
Dr. Abdirahmaan Haaji Mohamed Ahmed Doodi

Abdirahman Ahmed BSc (Hons), LIBMS, PGCE, DPSI, MCIL

Biomedical Scientist Practitioner
Registered (Health and Care Professional Council) 
Licentiate (Institute of Biomedical Science)
National Health Professions Commission (SL)
Bada-cas, Hargaisa, Somaliland
Vice-Chair 
Telephone: 002522571283
Mobile: 00252634813905

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here