WAX KA OGOW XAQIIQOOYIN KULANKA CAAWA PSG IYO BAYERN MUNICH EE FINAL-KA CHAMPIONS LEAGUE

0
28

Lisbon(saxilnews.com)-Garoonka The Estadio da Luz ayaa caawa marti gelinaya Final-ka Champions League 2019-20, kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo markeedii ugu horreysay iska xaadirisay Final-ka tartankan ayaa qaabilaysa Kooxda reer Jarmal ee shanta goor ku guuleysatay koobka horyallada Yurub ee Bayern Munich.

Labada kooxood ayaa afar dhammaadka Champions League si fudud uga soo gudbay, iyagoo natiijo isku mid ah oo min 3-0 uga soo adkaaday RB Leipzig iyo Lyon, waxaana hadda ay u dagaallami doonaan in loo caleemo saaro koox waliba dhankeeda boqorrada Yurub, iyadoo mid waliba ay doonayso inay dhammaystirato saddexleeyda koob ee taariikhiga ah.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbinaynaa xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee Final-ka Champions League:-

>- Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain ayaa horay u kulmay siddeed jeer dhammaan kulammadaas ayaana ahaa heerka guruubyada ee UEFA Champions League, PSG ayaa guuleysatay shan ka mid ah kulammadaas, halka Bayern Munich ay adkaatay saddexda kulan ee kale.

>- Kani waa kulankii ugu horreeyey ebid ee Paris Saint-Germain ay ciyaarto final-ka European Cup ama Champions League, waxayna noqonaysaa kooxdii 41-aad ee gaarta Final-ka, Lixdii kooxood ee ugu dambeeyey kuwaasoo markoodii ugu horreeyey gaaray final-ka tartankan dhammaatood waa laga badiyey, iyadoo kooxdii ugu dambeysay ee iyadoo markeedii ugu horreysay gaartay final-ka tartankan ee haddana adkaata ay ahayd Borussia Dortmund sanadkii 1997-kii, markaasoo ay ka qaadeen Juventus.

>- Bayern Munich ayaa gaartay final-keedii 11-aad ee European Cup ama Champions League, iyadoo keliya Real Madrid ay ciyaartay in ka badan oo ah 16 jeer, haatan waxay haystaan shan koob, waa kooxda afaraad ee ugu koobabka badan iyadoo ka dambeysa Real Madrid 13 jeer qaaday, AC Milan oo 7 haysata iyo Liverpool oo 6 jeer ku guuleysatay.

>- Paris Saint-Germain ayaa gaartay kaliya markeedii saddexaad kulan weyn oo final UEFA ah, horay waxa ay u gaareen Final-ka Cup Winners’ Cup kal ciyaareedyadii 1995/96 iyo 1996/97, kulanka hore waxa ay guul 1-0 ah ka gaareen SK Rapid Wien, halka kulanka dambe ay 1-0 guuldarro ah kala kulmeen Barcelona.

>- PSG waa kooxdii shanaad ee Faransiis ah oo gaarta Final-ka European Cup ama Champions League, waana markii ugu horreysay ee koox Faransiis ah ay gaarto Final-ka tartankan tan iyo Monaco oo iska xaadirisay sanadkii 2004.

>- Robert Lewandowski oo uu wehlinayo Serge Gnabry ayaa raadinaya inay noqdaan xiddigii shanaad ee goolal ka dhaliya wareegga group-yada, wareegga 16-ka, wareegga afar dhammaadka, semi-finalka iyo final-ka hal xilli ciyaareed gudihiis tartankan, kaddib Diego Milito oo Inter u sameeyey 2009/10, Messi (Barcelona, 2010/11), Ronaldo (Real Madrid, 2013/14) iyo Sadio Mané (Liverpool, 2017/18)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here