Wax ka ogow qalabka neefsashada ee lagu rakibo bukaannada Coronavirus

0
19

(Saxilnews)Dowladda ayaa dalabtay kumannaan qalabka neefsashada ah si loogu caawiyo isbitaallada uu haysto cadaadiska uu sababay coronavirus.

 

Bukaannada uu saameynta ba`an ku reebay fayraska, ayaa qalabkan wuxuu ka caawiyaa inay neefsadaan.

Waa maxay qalabkan muxuuse qabtaa?

Qalabkan ayaa la wareega habka neefsashada jirka, marka uu fayrasku sababo inay sambabbadu howlgab noqodaan.

Tan ayaa bukaanka siineysa waqti uu jirkiisa kula dagaallamo fayraska, kuna soo kabto.

Qalabka neefsashada oo kala duwan ayaa la adeegsadaa.

bb
bb
Banner
Presentational white space

Sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO), 80% dadka qaba xanuunka Covid-19 – ee uu sababo coronavirus – way kas oo kabtaan iyagoo aan u baahan daaweynta isbitaalka.

Balse lixdii qofba midkood ayaa aad u xanuunsada, waxaana soo wajihi karta dhibaato dhanka neefsashada ah.

Kiisaska sidaas u daran, fayraska ayaa waxyeello gaarsiiya sambabbada. Difaaca Jirka ayaa ka jawaab celiya arrintaas wuxuuna ballaariyaa xididdada dhiigga, si ay unugyo badan oo difaac ah ay u soo galaan.

Balse taasi waxay sababtaa in dheecaan uu soo galo sambabbada, taas oo adkeyneysa in qofku uu neefsado, waxaana kaddib hoos u dhacaya hawada oxygen-ka ee jirka qofka.

Si taasi looga hortago, mashiinka neefsashada ayaa lagu xiraa qofka si uu hawo wadata oxygen ugu gudbiyo sambabbada.

Qalabkan ayaa sidoo kale hawada nadiifiya, wuxuuna kuleyl iyo qoyaan ku daraa hawada si ay u noqoto mid ku habboon heerkulka jirka bukaanka.

Bukaannada ayaa la siiyaa dawo si ay u nastaan murqaha neefmareenka, sidaas darted neefsashadooda waxaa maamulaya mashiinka.

ITU technician monitors a patientLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionQalabka neefsashada waxaa haga shaqaale tababaran

Dadka lagu arko calaamadaha aan darneyn ayaa laga yaabaa in qalabkan lagu xiro iyadoo la isticmaalayo marada wejiga lagu xirto, kuwa sanka iyo qalabka afka bukaanka la geliyo, kuwaas oo ka caawinaya in hawo ay gasho sambabbada.

Injineerrada University College London ayaa dhaqaatiirta UCLH iyo Mercedes Formula One kala shaqeeyay soo saaridda qalab qofka ka caawinaya neefsashada oo loo yaqaanno CPAP. Waxaa la geeyay dhowr isbitaal oo London ku yaalla, haddii qalabkaas uu waxtar weyn yeeshana kooxda Mercedes-AMG-HPP ayaa qorsheynaya inay soo saaraan ilaa 1,000 mashiin maalintiiba, laga bilaabo toddobaadka soo socda (6 April).

Qalabka CPAP ayaa ruqsad ka helay haay`adda maamusha wax soo saarka caafimaadka.

Wararka horudhaca ah ee ka soo baxaya Lombardy oo ku taalla waqooyiga Talyaaniga ayaa sheegaya in 50% bukaannada lagu xiro CPAP aysan u baahan in lagu xiro mashiinnada kale ee neefsashada.

Si kastaba, isticmaalka mashiinnada CPAP ee bukaannada qaba xanuunnada neefmareenka ee faafa ayaa walaac laga muujiyay, iyadoo walxo yar oo fayraska sida laga yaabo inay ka soo dhex dusaan qalabka sidaasna ay fayraska ku qaadaan dhaqaatiirta caafimaadka.

CPAP hoodLahaanshaha sawirkaINTERSURGICAL

Si kastaba, qolalka daryeelka sare ee ICU ayaa bukaannada qaba xanuunnada neefmareenka siiya mashiinnada neefsashada, si loo hubiyo in hawada oxygen-ka ee jirkooda ay ahaato mid caadi ah.

Dr Shondipon Laha, oo ka tirsan Bahda Daryeelka Sare, ayaa BBC-da u sheegay in badanaa bukaannada qaba Covid-19 aysan u baahneyn mashiinkan, isla markaana lagu daweyn karo guryahooda.

Balse inkastoo ay jiraan khatarro ku gedaaman mashiinka neefsashada, ayuu sheegay in mararka qaar qalabkan uu yahay kan keliya ee hawada oxygen-ka siin kara bukaanka.

Arrinta kale ee Dr Laha ka hadlay ayaa ah in loo baahan yahay in la helo shaqaalaha ku habboon maamulidda qalabka neefsashada.

“Qalabka neefsashada waa mid dhib badan – waxyeello ayuu bukaanka gaarsiin karaa haddii aan si habboon loo rakibin,” ayuu yiri.

ParaPac ventilator
Image captionQalabka neefsashada ee Smiths ParaPac waa mid fudu oo ay sahlantahay in kplba meshoo loo baahdo loo qaado

Imisa qalabka neefsashada ah ayay UK leedahay – intee kale ayayse u baahnaan kartaa?

Waaxda Caafimaadka Bulshada ee NHS ayaa la sheegay inay haysato 8,175 oo qalabka neefsashada ah – waxayna degdeg ugu baahan tahay kuwo kale.

Dowladda ayaa aaminsan in ilaa 30,000 oo kale loo baahan karo, waxayna 10,000 oo mashiinnadaas ah ka dalabtay shirkadda teknolojiyadda ee Dyson.

Maamulka Dyson ayaa BBC-da u sheegay inay hayaan mashiinno diyaarsan oo hore loo tijaabiyay.

Ilaa 5,000 mashiinno dheeraad ah ayaa laga yaabaa inay ka yimaadaan kooxda Smiths ee xaruntooda ay tahay Luton.

Shirkad kale oo UK laga leeyahay, Gtech, ayaa soo saartay qalab kale oo neefsasho ah oo caawin kara isbitaallada.

Shirkado kale, oo ay ka mid yihiin Meggit iyo GKN – ayaa sidoo kale soo saaray qalabkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here