WASIIRO KATIRSAN XUKUUMADA SOMALILAND OO LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGAALADA JIG JIGA EE DDSI.

0
17

Jigjiga(saxilnews.com)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Gaadhay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxaa Duleedka Magaalada Jigjiga Kaga Horyimid Xubno Wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Dawladda Deegaanka Somalidda ee Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xafiiska Warfaafinta Dawladda Deegaanka Soomaalida Cali Beddel, Wasiir ku Xigeenka Xafiiska Warfaafinta Marwo Hibo Axmed,Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Bashiir Shaafi Cumar Iyo Madax Arrimaha Xisbiga talada Deegaanka haya Faysal Rashiid Nayruus.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa lagu qaabilay si diiran, Waxana loo galbiyey Gudaha Magaalada Jigjiga ee Xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maaha Markii u horreysay ee Wasiirka Warfaafinta Somaliland gaadho Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Somaliland iyo Dawladda Deegaanka Itoobiya waxaa ka dhexeeya xidhiidh wada Shaqayaneed oo ku dhisan Walaalnimo iyo mid Jaarnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here