“WASIIRKU WUXUU NAGU YIDHI LACAGTAA NIN IGALA HADLI KARAA MA JIRO OO…..”GANACSATADA GAADIIDKA SOO DAJISA

0
26

Hargaysa (Saxil News.com)Ganacsatada Macdaarrada soo dejiya Baabuurto, oo shalay shirjaraaid ku qabtay Hargeysa, ayaa si weyn uga soo hor jeestay amar ay sheegeen in Wasiirka hawlaha guud siiyay oo ah inay bixiyaan lacag dhan $80 Dollar oo baabuurta soo degaysa uu ka qaado Xafiis Berbera laga furay. Waxay sheegeen in lacagtaasi tahay mid sharci darro ah.Baabuurta 2

Sheekh Ibraahin Cabdi Xuseen, oo ku hadlayay afka Ganacsatada Baabuurta, ayaa sheegay in kulan ay Wasiirka hawlaha guud kala yeesheen arrintan uu ku amray inay lacagtaasi bixiyaan wax wada hadal ahna aan laga yeelanayn “Wasiirka Hawlaha guud Balan baa noo dhexeysay ahayd in aanu Hawlaha Isla eegno, markii aanu wasiirka la Kulanay ee aanu ku nidhi Wasiir Arrintaasi way noo cuntamiwaydee meel ay cashuurta dalka kaga jirtona waanu wayne ha nalaga daayo wuu naga diiday, Ma daynayo ayuu yidhi Dekedana kama soo rarayo, lacagta nalagu soo rogayna waa lacag xaaran ah, waayo Dadka Islaamku waxay wax ku kala qaatan waxay isla ogol yihiin ama nidaam soo marayo oo laysla qaato” ayuu yidhi Sheekh Ibraahim.baabuurta

Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen wuxuu intaa ku daray hadalkiisii“Mida labbaad Lacagtani Barlamaanka may soo marin oo dee qaranku wuxu ku heshiiyey wixii Takaalif ah oo dadka laga qaadayo halkaasi(Baarlamaanka) ha la soo mariyo ayaa la yidhi tiina may soo marin arrintana wasiirka hawlaha guudba noo cadeyey, arrinta kale ee ay lacagtaasi xaaran ku tahay waxa weeyi Golle Wasiir iyo madaxweyne Midna may soo marin, Wasiirka nagu yidhi Jeebkayga weeyan oo aniga lacagta idinku soo rogay, arrintaasi waanu la yaabnay, Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne Dadkani waa Shacabkaagii wixii aanay qaadi karayn ha saarin”

Sidoo kale, Maxamed Yuusuf Aadan oo ku hadlayey Afka Macdaarada Baabuurta iibiya ayaa waxa isaguna yidhi “Wasiirka Waanu u tagnay waxaanu ku nidhi Wasiir lacagtan aad leedahay bixiya Sharci ma ah wuxu nagu yidhi nin igala hadli kara ma jiro, Aniga Amarka Bixiyey oo lacag guraya marka waxaanu ku nidhi adigu dawlad baad tahay ee lacagta aad sheegaysid halkaga ku cashuuro, Waxaanu cod dheer ku leenahay Anagu Yeelimayno lacag xaaran ah oo wasiirka hawlaha Guud Gurto, shacabku wuu ogyahay Boqol cashuurood ayaa lanagu kordhiyey wali waxa lanaga qaada Afadii Burco, haddii shacabka lacag inta lagu bilaabo oo laga gurto oo laga daynwaayo soo jabi mayso, Maanta dalkeena Dhaqaalihiisu halka uu marayo waad ogtihiin isla markaana Dekeddii Berbera meel Baabuurtii la kala dhigo ayaa la laayahay oo illaa 700 oo Gadhi ayaa yaalla kuwa soo socdana Ciidaasay ka badan yihiin oo waxa nalagu yidhi illaa aad bixisaan lacagta nin Bareefad ah laydinka qabban maayo lacagtii cashuurta ahayd taasina waa Dulmi, Madaxweyne Arrintan wax ka qabbo ma ah Cashuur sharci ah ee waa Mashruuc loo sameyey nin, waxa jirta in Baabuurkii ay mariyeen meeshasi isla markii uu dekeda Berbera ka soo baxay uu Duqeeyey marka meesha Qalab fiicana may keenin oo waa mid ay lacagta ku Urursanayaan, wasiirkuna wuxu nagu yidhi Boqolkiiba konton aniga leh Kontonka kalena waxa leh niman Bagistaani ah .”

Dhinac kale, wasiir hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif oo ka jawaabayay hadal ka soo yeedhay ganacsatadda gaadiidlayda ah ee ka cabanaysa cashuurta xad dhaafka ah ee ay xukuumadu duldhigtay ayaa yidhi“Shalay, waxay la yimadeen waxay dawladu soo jeedisay waanu ka soo hor jeednaa ee ha nalaga joojiyo ayay noola yimadeen, taana maaha iyagu awoodii dalka ka jirtay, cidii shaqadan lahaydna maaha ee wasaarada shaqadan iska lahayd, aad ayaanu runtii u ixtiraamaynay waanan la hadlay. Nimanka mulkilayaasha macdarada sheeganaya kuma jiro hal macdarad oo wasaarada ka diiwaangasha, iyagoo sidaas ah ayaanu ogolnahay inay gacansadaan.”Ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif wuxuuna hadalkiisii sii raaciyay “Wasaaradani waatii gaadiidka oo hawshan iyada iska leh,wax badan ayaan indhaha ka qarsanaynay oo culaysyo badan oo jira aanu ridaynay hawshuna way socotaa muddo wiik ah, oo way socota hawsha jeekinka gaadiidka, Gaadiidka kale ee magaalada jooga bisha 1-deeda ayaanu bilaabaynaa.Waana waxay dawladu leedahay runtii maaha waxa iyagu leeyihiin. oo wax laga waydiinayo.Laaakiin waan ixtiraamaynaa maadaamay gacanacsadayal yihiin, Maadaamay cashuur bixiyaal yihiin, maadaamay dadka loo shaqayno ee hawshan loo qabanayo yihiin.”

Sidoo kale, wuxuu wasiirku wax laga xumaado ku tilmaamay arrimo uu aad ula yaabay oo ay ku hadleen Ganacsatayaashaasi “Waxyaabaha igu yaabka badnaa maanta (shalay), waxa ka mid ahayd inay yidhaahdaan anigu awalba waxayaga ayaanu gargaraacan jirnay, imikana anagaa gargaraacanaya ee waxa ku dhimanaya waxba idin kama khuseeyaan gawaadhuun noo siidaaya, anaga waxa noo daran uun in aad lacagtuun naga daysaane. Arintu dee taa ma noqon karto wax ka wayn ayaynu ilaalinaynaa maadaamaynu bulshadii ilaalinayo, waxaynu ilaalinaynaa inuu gadiidku noqdo gadiid fayaw oo dhibaato u keenayn bulshadii.”

 

berbera2002@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here