Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Joojiyey Shir Magaalada Burco Uga Furmi Lahaa Jaamacadaha Ku Midoobey Ururka Jaamacadaha Carabta+Sababta

0
22
 

Burco(Saxilnews)Wasiirka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa maanta joojiyey Shirkii jaamacadaha ku midoobay ururka Jaamacadaha Carabta oo maanta ka furmi lahaa magaalada Burco.

Shirkani oo ay marti galisay Jaamacada Burco ayaa noqon lahaa shirkii Sadexaad ee gudaha Somaliland lagu qabto.

Xidhiidh lala sameeyey wasiirka Waxbarashada uu waxa uu sheegay in aanay Burco awood u lahaym marti galinta shirkan tayaynta iyo kor u qaadida tayada waxabarashada ururka jaamacada Carabta isagoona adeegsaday in magaalada Burco tahay Tuulo,sidoo kalena xogaha ayaa waxay sheegayaan in goobta shirkan ay kasoo qayb galeen oo ay fadhiyeen jaamacadaha ku yaala maamul goboleedyada Somaliya.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Eng faysal cali waraabe ayaa waxa uu arintani ka tacsiyadeeyey Guud ahaan shacabka gobolka togdheer isagoona Tilmaamay in go’aanada xukuumada Kulmiye aanay wadda socon.

Sidoo kale waxa arintani si adag u cambareeyey masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here