Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo ka Hadlay Dhacdadii Isniintii Ka Dhacday Magaalada Boorama

0
159

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in dhibenaha koowaad ay dowladdu ka tahay dilka loogeystay Marxuum Khadar Xabeeb, waxaanu bulshada ugu baaqay in cidkasta oo ku hawlan khalkhalgelinta abniga meel looga soowada jeesto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka mudaharaadyada, boobka iyo rabshadaha ka sameeyay gudaha magaalada Borama aanay ahayn eheladii qoyskii Marxuum Maxamed Xabeeb, ee ay yihiin cid dano gaara leh oo bulshada ku soo dhex dhuumanaysa.

Waxa uu xusay in gacan ku dhiiglihii dilka gaystay xabsiga ku jiro, kiiskiisiina la qaaday, maxkamadduna dil ku xukuntay.

Geesta kale waxa uu bulshada ka codsaday in aan si fudud loo burburin Qaranimadii Somaliland ee sodonka sano la soo dhisayay.

Waxaanu yidhi.“Dilka marxuum Khadar Xabeeb waxa ka dhashay buuq badan oo mudaharaadyo keenay, boob la boobay ganacsatadii magaalada.

Dadka rabshada kawaday magaalada Borama, may hayn qoyskii, qabiilkii iyo dadka reer Dillaad midna, wax dhib ah oo ay ku leeyihiin mudaharaadka iyo boobka ka dhacay Borama.

Dadka rabshadaasi sameeyay dadka abaabulaya, kuwa fulinaya hal qof ayaa kaga jira ehelada marxuumka dhintay.

Waxgaradka gobolka Awdal waxa ay sheegeen in arrintani arrin ka dhalatay aanay ehelada marxuumka, dadka doonaya inay Borama khalkhaliyaan, dadka doonaya in Borama laga qaxo.

Qoyskii marxuumka iyo xukuumadduba waa dhibane, dhibanaha koowaadna waa dowladda, kiiskan si ayaynu uwada wadaynaa, meela laga leexleexinmaayo, dadka ina rabshayana aynu meel uga soo wada jeesano.

Waxa aanu hayna oo maamulka gobolka Awdal ka wada socona dad aan reer Awdal ahayn in qaskan ay ku jiraan, qaarkood ayaanu sawiradoodii hayna, waxa aanu hayna dad badan oo baraha bulshada ku baahinaya arrintan, qoraalkoodii iyo sawirkoodiiba waanu haynaa, maxkamadda ayaanu gaynayna kiiskoodana waanu dadajinaynaa, sodon sano wixii aynu soo dhisaynay dad aan xilkas ahayni innagama dumin karaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here