Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadley Af-duubka Wariye Ka Tirsan Idaacada Goob-joog

0
13

Muqdisho (GTV) Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yariisow  ayaa ka Hadley wariye ka tirsana Idaacada Goob-joog oo lagu afduubey duleedka magaalada Muqdisho.

Wariye Hanad Cali Guuleed ayaa lix nin oo ku hubeysan baastoolado ay ka afduubeen deegaan 13-km u jira magaalada xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Wasiirka warfaafinta ayaa canbaareeyay af-duubka loo geystay wiilkan wariyaha ah, waxaanu wasiirku cod saday in shuruud la’aan lagu soo daayo, ilaa hadana lama oga sababta afduubkiisa ka danbeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here