WASIIRKA WARFAAFINTA SOMALILAND OO XAFIISKIISA KU QAABILEY WAKIILKA DALKA INGIRIISKA UFADHIYA SOMALILAND IYO ARIMAHA AY KA WADA HADLEEN!

0
27

Hargeysa(saxilnews.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna afhayeenka Xukuumadda, Mudane Sulayman Yusuf Koore ayaa maanta kulan saacado qaatay xafiiskiisa kula yeeshay Wakiilka Dawladda Ingiriiska U qaabilsan Somaliland,  #Stuart_Brown.

Kulanka oo ku dhamaaday jawi is-afgarad, waxa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee labada Dawladooda, ee dhanka warbaahinta  gaar ahaan Xeerka  iyo Siyaasadda Saxaafadda.

“ Somaliland waa dawlad dimuqraadi ah, oo u heegan ah in ay  ilaaliso sumcadda wanaagsan ee ay ku leeyihiin  xoriyatal qawlka. Balse  aan la aqbalayn cid kasta oo ku xadgudubta  madax-bannaanida, nabadgelyadda iyo dastuurka,” ayuu wasiirku kulanka ka sheegay.

Dhanka kale, Wakiilka Dawladda Ingiriiska oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi, “ Waxa aan si fiican labadayda dhinac iskula gorfaynay sidii loo tayeyn lahaa warbaahinta Somaliland, taasna looga wada shaqayn lahaa iyada oo la dardargelinayo xeerarka iyo siyaasadda Warbaahinta”

Wasiirka waxa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee wasaarada warfaafinta  Cabdiqaadir Dayib Askar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here