Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Daahir Ayaa Manta Ka Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Is Bahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ah

0
25

Hargaysa (Saxil News.com)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyi galinta Mud. C/laahi Maxamed Daahir ( Cukuse) oo warbaahinta kulahadlaayay Magaaladda Hargeysa ayaa ka jawaabay hadlo xisbiyadda mucaaradka ahi saluug kaga muujiyeen qabsoomidda Doorasho wakhtigeedii dhacda, waxa kale oo mr. Cukuse uu ka hadlay Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadda Oo dhawaan qarkood ay iska casileen xilalkii ay dawladda ka hayeen wasiirka oo arimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi

” Ilaahay inguma keeno Dalkeenan waynu joogna daqiiqad ma dawlad la’aanayno, ilaahayna inagama yeelo kuwaas jaarka aynu nahay oo kale sidooda ilaahayna inagama yeelo, Dalkeenu waxa uu leeyahay Golayaasha Qaranka, ee Xukuumadda, Golha Guurtida, Golaha Wakiiladda, ee ku fadhiya kalsoonidii shacabka Waxaynu leenahay umadd dhan oo dhaqanka inooga shaqaysa, Waxaynu leenahay Aqoonyahan Waxaynu leenahay Culimo,

Waxaynu leenahay Dhalin yaradii mustaqbalkaas ilaashanaysay anigu qof ahaan iyo dawlad ahaanba waxaanu idiin soo jeedinaynaa oo aanu idinku celcelinaynaa eraygan ah,  dawladla’aan anugu ma qaooonsanayno ama waanu aqoonsanahay iyo wixii la midda inaguma sama cidnaba kuma wanaagsana”

  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Mr CUKUSE waxa uu sidoo kale ka hadlay Aqoonsi raadiska ay dawladdu ku raad joogtay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay “Xukuumadda Somaliland Aqoonsiga waxa ay uuga baahanatahay beesha caalamka Shacabka Somaliland-na waxa uu aqoonsan yahay Xukuumadiisa, inata tartamaysa maaha inay ka hadasho maaha, Ma go’aamin karto ma odhan karto wakhtigasay ku qabsoomaysa, ma odhan karto wakhtigaasay ka soo hor maraysa, ma odhan karto wakhtigaasay dib uuga dhacaysaa, Xaqaasna waxaa iska leh komishanka Doorashooyinka qaranka ee aynu kalsoonida siinay”

Wasiirka wasaaradda Warfaafintu waxaa kale oo uu ka hadlay Midawga ay xisbiyadda mucaaradka ah isku bahaysteen iyo sidoo kale Iscasilaadii ay ku keceen dhawaan xubno ka mida ahaa Golaha wasiiradda Ee Xukuumadda Uu gadhwadeenka ka yahay mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo)

 

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here