Hargaysa (Saxil News.com)-Wasiirka Wasaaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta iskugu yeedhay Waaxyaha Farsamada Wasaarada gaar ahaan TV-ga iyo Idaacada Radio Hargaysa,wuxuuna Amar Buuxa ku siiyay in Gabi ahaanba Tv-ga Qaranka iyo idaacada Radiyo Hargaysa aan laga siidayn karin Heesaha wadaniga ah.
Ma jiro war rasmiya oo ammuurtaas tafaasiil cad ka bixinaya oo ka soo baxay Maamulka sarre ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta, hase yeeshee Ilo xogogaal ah oo si toosa iyo si dad-banba ula socday kulanka dhex-maray Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse iyo Waaxyaha farsamadda ee Tv-ga qaranka iyo Idaacadda Radio Hargaysa, kuwaasoo uu
ku war-geliyey inaanay sii dayn karin Heesaha uu hal abuuray Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ee Waddaniga iyo Jecaylkaba leh, waxaanu sheegay inuu hadda laga bilaabo Waaxyaha farsamadda ee Tv-ga qaranka iyo Radio Hargaysa uu kula xisaabtami doonto Ammarkaas cusub ee uu faray.
Masuul ka tirsan Waaxyaha farsamadda ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta oo sababo la xidhiidha Shaqadiisa iyo Ammaankiisaba uga gaabsaday inuu shaaciyo Magaciisa, ayaa sheegay in Ammarkaas lagu faray kulan uu iskugu yeedhay Wasiirka Warfaafintu Mr Cukuse, isla markaana aanu Wasiirku wax sabab ah iyo tafaasiil-toonna u raacin Ammarka la siiyey, balse aanay isticmaalin suugaanta baaxadda leh ee uu Halabuuray Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ah Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska ee xaruntoodu tahay Caasimadda Hargaysa.
Lama garanayo sababta uu Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelintu u joojiyey Heesaha Wadaniga ah ee uu Halabuurro Xasan Dhuxul Laabsaalax, maaddaama oo suugaantaasi tahay mid la wada leeyahay oo ka mida Hantida uu qarankani leeyahay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo laga yaabo inaanu aad uga fikirin saamaynta uu Ammarkani ku yeelan karo telefishanka iyo idaacada qaranka- marka laga sii dayn waayo heesaha wadaniga ah ee qarankani hanti ahaan leeyahay,waxaanay u muuqataa in Wasiirku uu ilaaway in arrintani ay saamayn ku yeelanayso guud ahaan Kooxda Xiddigaha Geeska oo inta badan Suugaanta Soomaalidu ugu jeceshahay soo saaray.
Halkan hoose ka daallaco qiimaha iyo dhumacda ay leeyihiin Heesaha uu mamnuucay Wasiirka Warfaafintu inay ka baxaan Tv-ga iyo Radio Hargaysa
https://www.youtube.com/watch?v=bnZNi-4uHeE
https://www.youtube.com/watch?v=UmTHPjv3F8M
https://www.youtube.com/results?search_query=hankaagu+ha+dhaafo+reer+Hebel
https://www.youtube.com/watch?v=70DX32mGJaE
https://www.youtube.com/watch?v=wsy7ApDR4pM
berbera2002@gmail.com