Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Magaalada Burco Aragtidiisa Saf Loogu Jiro+Waxa Sababey Iyo Qorsheyaal Uu Fulintooda Halkaas U Tagay.

0
18

Hargeysa(Saxilnews):-Huteelka uu ka degan yahay Magaalada Burco Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa safaf dhaadheer ugu jira dhalinyaro iyo cuqaal aad u badan oo ujeedadoodu yahay fulinta balame ay hore ugu wada galeen Wasiirka Qaarkood Magaalada hargeysa

Waxaana Wasiirka Madaxtooyada iyo gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay magaalada Burco illaa xalay ka waddeen qorshe uu dhalinyarada ku dhaqan bariga magaalaada Burco ku soo xerrogelinayo, kaasi oo ku guddoonsiinayey dhalinyarada aaminsan fikirka Xisbiga WADDANI gadiidka raaxada iyo kharashaad kooban.

Arrinkan ayaa waxa watay isla markaan fulinayey wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud xaashi Cabdi, iyadoo uu baabuur badan ku wareejiye dhalinyaro ka tirsan Xisbiga WADDANI iyo qaar dhawaan ku soo biiray, kuwaas oo ku nool bariga Burco, iyadoo uu wasiirka bidhansanayo dhalinyarada dhaq-dhaaq roon ee ka tirsan Xisbiga WADDANI, isagoo ku soo xerrogelinaya lacag iyo baabuurta uu guddoonsiinayo, waxaan xusid mudan inuu illaa hadad bixiyey 50-tan gaadhi in kabadan, kuwaas oo ah noocayada loo yaqaano idhacadaha iyo faraysooyinka dukhaanka.

Dhanka kalena gaadiidkan ayaa la sheegay in laga soo iibiyey dalka imaaraadka carabta, badankoodu ay haatan yaalaan barxada dekeda Magaalaa Berberra si halkaasi loogu qaybiyo hadba cidii aqbasha qorshayaasha uu Wato Xaashiga Madaxtooyadu,

waxa loogu tallogalay mustafaynta iyo in lagu soo xerrogeliyo xubnaha dhuuni raaca ah ee ka tirsan Xisbiga WADDANI, waxan xusid mudan in baabuurta la soo dejiyey ay ku kala xarreysan yihiin macdaro ku yaala Hargeysa iyo Burco.

Si kastaba ha-haatee talaabadan uu qaaday Xisbiga KULMIYE ayaa hoos u dhigaysa awoodii uu ku lahaa Xisbiga WADDANI barriga Burco iyo guud ahaanba gobolka togdheer oo mudooyinkii ugu dambeysay tan iyo intii xisbigaasi uu ku biirey Xirsi Cali Xaaji si wayn taageerada xisbigaasi looga dareemaayey bariga Magaalada Burco oo dhaq dhaqaaqiisu uu ku yaraa Goobahaasi.

Xigasho Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here