Wasiirka Maaliyadda Somaliland ‘Dheddo Roob Noqon Wayday’!

0
19

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi, oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi ayaa durba qaaday talaabooyin ay dadka wasaaradaasi xidhiidhka la lehi ku tilmaameen in ay yihiin kuwo aan la mahadinin.

Maalmo uun ka dib markii xilkaasi loo dhiibay, Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi  ayaa isku bedel ku sameeyay agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Maaliyadda, halka uu kuwo kalena xilalkiii ay hayeen ka qaaday.

iyada oo shaqaalaha Wasaaradda dhexdeedu hadal hayntu badan tahay isla markaana lagu mashquulay isku bedelka Agaasime Waaxeedyada oo uu nin waliba dhinac ula baydhay faallada isla markaana loo badiyay in isku shaandhayntu ay ahayd xeelad uu wasiirku kaga aar goosanayo Xubno wakhtigii uu shaqaale Hoosaadka ahaa culays badan ka tirsanayay, ayaa hadana waxa soo baxday Warar sheegaya in uu wasiirku kala diray kooxdii uu ciyaari jirtay wasaaradda Maaliyadda.

Kooxdan ayaa waxa ay ahayd koox dhalinyaro ah oo marka laga yimaado mooraalkooda oo kor loo soo qaadayay, sidoo kalena ka heli jiray shaqo Abuur, hasayeeshee markii dhinac walba qayladu ka timid, lana arkay darjiidhka Wasiir Yuusuf, Waxa uu shaaciyay in uu ka laabtay go’aankiisii hore ee ahaa dhaqaale madhxinta, hasayeeshee ay ka madhayn dhaqaale Kobcintu.

Wargeyska Sahan oo ka soo Baxa Magaaladda Hargeysa ayaa isna boggiisa hore ku soo daabacay in gunnadii la siin jiray Abwaanka Dhulka Ay soomaalidu degto Caanka ka ah Ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi laga gooyay mushahaar ay xukuumaddu siin jirtay.

Arrintaasna waxa sii adkeeyay, warbaahintana u sii cadeeyay Hurre Ibraahim Walanwal oo xusay in aanu Abwaan Hadraawi Laba Bilood arag gunnadii uu ka qaadan Jiray xukuumadda, markii ay la xidhiidheen Wasaaradda Maaliyaddana loo sheegay in dib u habayn lagu waddo, hasayeeshee ay weli ka dhursugayaan.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo xilka loo dhiibay xilli uu dalka ku dhex dabaalanayo Musuqmaasuq, abaaro iyo Colaad ka jirta Gobolada Bariga Somaliland, ayaa aragtidiisii ku soo koobay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxaanu ugaadhsanayaa Shaqaale Hoosaadkii iyo madaxdii Waaxyaha, waxaana dadka aqoonta dheer ulihi ay ku tiraabeen in uu uga gol leeyahay sidii uu u sifayn lahaa shaqaalihii ay isu dhawaayeen wasiiradii ugu danbeeyay ee xilalkaasi, hayay isagana ka horeeyay.

wasaaradaasi hore ayuu ka trisanaa in ay dhex taalay Uttun siyaasadeed, hasayeeshee waxa uu ilawsan yahay in ay dhamaantoodba u yihiin shaqaale hoosaad, keligii amarka ka qaata.

waxaanan ku soo koobi lahaa qoraalkan bayd ka mid ah maansadii Dir iyo Daabac ee uu wakhti hore tiriyay allaah haw u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Gaariye

Qabiilkii Dorraad yiil

Isticmaarki baa dumay

Shalay daba-ka-naax iyo

Dibitaati baa waday

maantana dillaal iyo

Dibir baa ku xoogsada

Waa dabin qarsoodiya

ummadday ku dagayaan

Boobkay ku dedayaan

Qolo-qoladan loo degey

kama dhalan dadweynaha

Ragga dacarta huriyaa

Waa kooxo duuma ah

Daadihiyayaashiyo

maamulkay ku dumanyiin

qaarbaa diktoorra ah

Degreegoodu madhan yahay

Qaarbaa Durbaanna leh

oo daacaddii jaray

Darna waa hagoogtaan

Waa deniyo waaweyn

isku soo dabbaaloo

waa Dabaqad maal jecel

Waxa loo dig lee yahay

Dhididkaygan dahabka ah

Sidii loo duddubin laa, 

Si kastaba ha ahaatee waxa ay bulshaddu dhawraysaa Talaabooyinka uu wax kaga bedeli doono Gedgedoonka Maaliyadeed, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Isku Soo Wada Duubo Marka aad u Fiirsatay Dhaqdhaqaaqyadda iyo Talaabooyinka uu ilaa iminka Qaaday Wasiir Yuusuf, Miyaanu Xaalku U Muuqanin ‘Dheddo Roob Noqon Weyday’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here