Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Sheegay In Miisaaniyada Dawladu Ay Kala Badh Ku Tiirsantahay Deeqaha Beesha Caalamka.

0
22

Muqdisho(Saxilnews)waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qabsadaan

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Somaliya C/raxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in miisaaniyada dowladda Federalka Somaliya kala bar ay ku tiirsan tahay deeqaha ka yimaada Beesha caalamka.

Wasiir Bayle, ayaa sheegay miisaaniyada dowladda Somaliya inay tahay $260 Milyan, $120 ka mid ahna laga sugo Deeq bixiyeyaasha taageera Somaliya,taas oo ka dhigan in miisaaniyadda dowladda ay 46%ka timaado beesha Caalamka halka 54% ay dowladda isku tashato.

“Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qabsadaan.” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in

miisaaniyadda dalka ay tahay $260 milyan, $120 milyan oo ka mid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Shaqaalaha rayidka dowladda ayaanan si joogto ah u helin Mushaarka ay ku shaqeeyaan, taasi oo caqabad ku ah shaqada Shaqaalaha rayidka ee dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here