Wasiirka Maalgelinta oo qaabilay Wefdi Hindiya ka yimi

0
192

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Aamina Cilmi Fariid ayaa xafiiskeeda ku qaabishey Gudomiyaha Shirkada Gamuur Plastic Factory Daahir Maxamed Gamuur iyo khubaro ka socday dalka Hindiya.

Kulanka Wasiir Aamina iyo madaxda shirkada Gamuur ayaa lagaga wada hadlay qorshe khubarada dalka Hindiya ku balaadhinayaan shirkada Gamuur.

Kulankan ayaa la sheegay in Wasiirka Marwo Aamina ku wehelinayeey Agaasimaha Waaxda Warshadaha mudane Fu’aad Rashiid bulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here