Wasiirka Khaarajiga oo Ka hadlay Natiijada kulan ay la yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub

0
68

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in kulankii wefti uu hogaaminayey la yeesheen baarlamanka yurub lagu waydiiyey su’aalo badan oo ay si fiican uga jawaabeen.

Wasiirka oo  ka hadlay kulanka bulgium-ka ka dhacay ee wafti ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta Dr.Sacad cali Shire iyo Adna Aadan qadiyada Somaliland ugu sharaxeen  baarlamanka yurub waxa uu u mahad celiyey  dadka fursaddaas siiyey.

“Waxaa nala waydiiyey su’aalo fiican oo na siiyey fursad aanu dadkii ugu sharxno qadiyada Somaliland waxay tahay  waxaa nala waydiiyey wada hadalada Somaliland iyo somaliya halka ay marayaan, waxa nala way diiyey wadanku siduu ahaan jiray, dadka intooda badan kma qarsoona Somaliland horumarka ay gaadhay,  haday athay xaga nabad galyada , xaga dimuqraadiyada, xaga doorashooyinka, taas oo ay aad u dhiiri galiyeen oo ay aaminsan yihiin, in mabaadiida caalamku aad u aaminsan tahay kuwaas oo ay ka mid yihiin xuquuqal iisaanka, warbaahinteena sidaynu ula dhaqanno iyo sharciga oo sareeya.

Markaa dadka aanu manta u nimid waxaanu  u sharaxnay inaanu wadamo fara badan oo dunida iyo afrika ah kaga horayno arimaha xaquuqal iisaanka, dimuquraadiyada iyo sida aanu nabad galyada u dhisnay, waxaanu u sharaxnay  dagaalka way nee Somaliland kaga jirto argagixisada, budhcad badeeda, taas oo hadii aany Somaliland arimahaas galindhibaatada halkaas taala ay halkana iman doonto, aad iyo aadna way ugu qushuuceenhalka ay nabad galyada kaga jirto Somaliland” ayuu yidhi Maxamd Biixi Yoonis.

Waftiga Somaliland ayaa baarlamanka yurub la kulmay isla markaana kulan gaara ah la yeeshay gudida ariamaha dibada  ee baarlamka yurub, arintan ayaa la filayaa inay wax ka bedesho xidhiidhka Somaliland  iyo wadamada yurub ee ku midaysan yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here