Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Mudane Maxamuud Xassan Sacad “Saajin” oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Cabdirashid Ibrahim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Ambassador, Delil Kedir Bushra.
Waxa laga wada hadlay iskaashiga ganacsiga ee labada dal iyo siddii Ethiopia ay u isticmaali lahayd marinka dhaqaalaha ee Berbera (Berbera Corridor).