WASIIRKA GAADIIDKA IYO HURUMARINTA JIDADKA OO LAFILAYO INUU SOCDAAL KU GAADHO TOG-WAJAALE SI UU USOO OGAADO LACAGO LAGA GURO GAADIIDKA OO QEYRA SHARCI AH

0
19

Socdaalka la filayo in uu Tog-Wajaale ku gaadho Wasiirka Gaadiidka iyo hurumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan

Hargeysa()-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hurumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Kuxigeenkiisa Sahal Maxamed Jaamac ayaa, lagu waddaa in ay dhawaan socdaal ku gaadhi doonaan Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya si ay usoo xaqiijiyaan Lacago Qeyra Sharci ah oo laga qaado Gaadiidka Somaliland iyo kuwa dalka aynu dariska nahey ee Itoobiya.

Socdaalka la filayo in uu Tog-Wajaale ku gaadho  Wasiirka Gaadiidka iyo hurumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa lagu xidhiidhinayaa, kadib markii Dacwado badan laga gudbiyey lacago qeyra sharci ah oo ay Gudida odoyaasha Wajaale ka qaadaan Gaadiidka kala duwan ee Somaliland iyo kuwa elsiiga ah ee dalka Itoobiya, lacagtaas oo

aan khasnad Xukuumadeed iyo mid dawli ah ku dhicin haseyeeshee, ay odoyaashu bilaabeen Xiligii ay ururinayeen Qaadhaankii ay ku fashilmeen ee Dhismaha jidadka Gudaha Magaalada.

Lacagahan Gaadiidka laga Qaado,ee Qeyru Sharciga ah ayaa, dambi weyn noqonaya hadii si dhab ah Wasiirka Gaadiidku u xaqiijiyo hadii aan Xaal mastuur lagu qaadin,iyadoo loo sharciyeeyay Gudida odoyaasha Wajaale Xiligii Wasiirka Madaxtooyada uu ahaa Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ku balamiyey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga,Waxaana  Dadweynaha Reer Tog-Wajaale,ay maalmihii u dambeeyay olole Xoogan diirada ku saareen dhaqdhaqaaqyada odoyaashii sheegan jirey Gudida hurumarinta Wajaale kuwaas,oo ka qeyb qaatey boobkii dhulka danta Guud islamarkaana, wali ku hawlan in ay Xukuumadan cusub ka mustafeeyaan, Barnaamijkooda qaadhaan ururinta,iyo keenista Degmada Maamul ay iyagu wataan oo ay kula soo wadaageen Xukuumadii Siilaanyo mudadii todobada Sanado iyo dheeraadka aheyd,iyo arimo kale oo badan. Inkastoo Reer Tog-Wajaale arimaha ugu waaweyn ee ay ku diidan yihiin tahey,Musuqmaasuqii ku dhacey Sameyntii Jidadka Gudaha Magaalada oo qaadhaan badan lagu ururiyey Shacbi iyo Xukuumadba,Baabuurkii Dabdamiska ahaa ee laga ururiyay Ganacsatada oo lixdan kun oo Dollar ay ku qiimeeyeen haseyeeshee,ay keeneen Baabuur Xumaadey oo aan maalin lagu shaqeyn,boobkii dhulka iyo arimo badan.

Todobaadkii u dambeeyay Tog-Wajaale waxa Soo gaadhey Wasiiro isugu jira Qaar ay iyagu dabada kasoo Kexeeyeen, iyo kuwa Xukuumada ka socda oo Qiimaynayey Arimaha Shacabku ka kacsan yihiin Wasiirka Hawlaha Guud,Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,Wasiirka Biyaha iyo Wasiirka Gaadiidka oo isaguna kusoo fool leh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here