Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shalay xadhiga ka jaray qaybta qaybta adeega degdega ah ee Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo dib u habayn lagu sameeyey.
Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in ay maalgalisay Hay,adda khayriya ee Kuwait dib u habaynta lagu sameeyey qaybta adeega degdega ah ee Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu ku dadaalaynaa in aynu helno Cisbitaalo kale,waxaana Maalgalisay dib habayntan lagu sameeyay qaybta gargaarka degdega ee Cisbitaalka Hargeysa Hay,adda khayriya ee Kuwait,”.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in la ilaashado qaybta adeega degdega Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxa weeye in aynu ilaashano had iyo jeer waxa loo haystaa waxa dawlada leedahay looma ooyaan iyo wax aan cidiba la hayn,waa meel Caalamka la jaan qaadaysa,”.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa waxa uu sheegay in dib u eegi doonaan baahida Shaqaalaha Cisbitaalka Hargeysa.Waxaana uu yidhi”Waxaana aanu dib u eegi doonaa shaqaalaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa in loo kordhiyo wixii loo kordhin karo,”.
Sidoo kale Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen C. Lou
oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Caafimaadka kala shaqeeyaan wax kasta oo lagu horumarinayo adeegyada Caafimaadka.