Wasiirka Arimaha Gudaha oo Kormeer ku Tagay Saylada Xoolaha Burco

0
151

Burco (Dawan)- Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, kuna sugan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa dorraad soo kormeeray sayladda wayn ee Xoolaha Magaalada Burco.

Sayladda Xoolaha ee Magaalada Burco ayaa waxaa si xawlihi ah uga socda iibka Xoolaha,iyadoo Xoolaha lagu kala iibsanayo Saylada Magaalada Burco ay ka yimaadeen guud ahaan meelo badan oo ka baxsan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo Wasiiradu ay soo kormeereen sida uu u socdo ganacsiga kala iibsiga Xoolaha ee Magaalada Burco.

Xoolaha ugu badan ayaa ka dhoofaya Jamhuuriyadda Somaliland sanadkan, gaara waxay ka dhoofayaan Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera. Weftiga Wasiirada ah ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Horuumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here