Hargaysa-(Saxilnews.com)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 13 nin oo lala xidhiidhinayo dilkii labadii sarkaal ee ka tirsanaa Bilayska iyo Asluubta Somaliland, kuwaas oo iskugu jira raggii dilka fuliyey iyo kuwo lala xidhiidhinayo inay gacan ka gaysteen dilkaasi.
Wasiirku sidoo kale waxa uu sheegay in lasoo qabtay Afar gaadhi oo hawlgalka dilka ah lagu fuliyey iyo gaadhigii dableydaasi ku baxsadeen markii dilku dhacay.