Hargeysa (SAXILNEWS.COM)_agaasimihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Cabdiraxmaan X Abiib Rabiile, ayaa shaqada uu ka hayey Ururka Solja iska casilay, kaddib markii hoggaanka Ururku ku milmay Siyaasadda Xukuumadda iyo Xisbigeeda. Agaasimihi hore ee Ururka Solja Cabdiraxmaan X. Abiib Rabiile ayaa warqada iscasilaada gudbiyey bilowgii Bishan Hoggaanka u carbisan Xukuuumada ee Solja kaasoo la sheegay inuu Ururka ka leexiyey mustawihii Solja u taagnayad oo ah badbaadinta Suxufiyiinta iyo u doodida xoriyatul qawlka marka lagu xadgudbo mihnadii loo aas-aasay Ururka.
Geesta kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa bajadkeedii Miisaaniyad sanaadeedka 2016-ka ku dartay kharaash Ururka Suxufiyiinta Smaliland ee Solja, taaso wakhti xaadirkan hor taala Golaha wakiilada Somaliland si loo ansixiyo qorshaha kharaashka Hay’adaha dawliga ah. talaabadaaso ah mid ka markhaati kacaysa sida ay Xukuumada tallada haysaa ula soo wareegtay Ururkii Solja intii maamulkan Inqilaabka ku yimi joogay. Waxana sanaad imika laga jooga xilligii xukuumaddu inqilaabtay solja oo ahayd 25-kii Decenber 2015-kii.
Bajedkan cusub ee Miisaaniyadda ah, ayaa ah mid marin habowsan, maadaama oo aanu ahayn mid soo gaadhaya hay’adaha warbaahinta, waxa’se uu yahay mid ku dhacaaya jeebka Gudoomiyaha Ururka Solja Mr Xuuto oo ah shaqsigii gacantiisa ku qawracay Xoriyadda Suxufiyiinta. Waxanay ahayd hadii Xukuumadda Cid maal-gelineyso inay maal-geliso Hay’adaha warbaahineed ee jira, Sida Wargeysada iyo Tv-yada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda tallada haysaa ee Somaliland ayaa ahayd tii ugu xadhiga badnayd Suxufiyiinta dalka, sidoo kale waxa ay xayirtay dhawr wargeys oo qaarkood ilaa imika xayiraan yihiin. Waxa kaloo, gacanta xukuumadda ku bur-buray Ururkii madaxa-banaana ee Solja oo ahaa midka keliya uu u dhaqdhaqaaqi jiray xoriyadda Saxaafadda dalka. Waxa kaloo Ururka Solja hadda uu yahay mid ay magaciisa kusii shaqeystaan qof iyo gacan yarayaal, waxana todobaadkan xukuumadda ay horseed uga noqdeen in qorshe bah-dilaad ku ah muwaadiniinta iyo Suxufiyiinta dalka ku jideeyan, kuwaasoo laba suxufi oo bila danbiya sheegay inay damaanad kusoo daayan.