Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Muse Biixi Oo Uu Dhex Maray Dagaal Gacan Laysula Tagay Iyo Waxa Sababay

0
22

Hargeisa (SAXILNEWS)_Warar xogogaal ah oo  soo gaadhay xafiiisaka saxilnews ayaa tibaaxaya in durtaba khilaaf ba’ani soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Kulmiye, ee dhawaanta loo caleemo saaray murashaxa Madaxweyne ee tartanka doorashada Madaxweyne ee lagu rajada wayn yahay inay dalka ka qabsoonto horaanta sannadka 2017ka inuu uga tartamo Xisbigaasi Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka cusub ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo isna dhawaan xilka kala wareegay Wasiirkii iskii isu casilay ee Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Khilaafka labadan masuul ayaa sida xoggaha aanu helnay sheegayaan ku salaynsan ciddii la wareegi lahayd hogaaminta Xisbiga Kulmiye ama mansabka Gudoomiyenimo oo uu Maxamuud Xaashi iyo beesha Muuse Abokor kula gorgortameen Muuse Biixi markii ay ku taageerayeen inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye.

Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu ku badhi furay Maxamuud Xaashi isla markaasna si cad oon gabasho lahayn ugu sheegay Wasiir Maxamuud in jagada Gudoomiyenimo uu u sharaxan yahay isaga dabadii Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo muddo dheer ay jaal ahaayeen, dhib badana u soo wada mareen inuu ku guulaysto mansabkan uu muddaa dheer ku taamayay. Kulankan uu Muuse Biixi hadalkan ka sheegay waxaa goobjoog ku ahaa Suldaanka guud Beesha Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin ka soo jeedaan. Hadalkaas ka soo yeedhay Mujaahid ayuu Maxamuud Xaashi aad uga gilgishay, dareen cadho lehna kaga falceliyay isagoo ku hanjabay inaan doorashada soo socota Sidaas lagu guulaysan karin.
Waxaana ilo wareedyada aan helnay intaa ku dareen in markii dambe gacan isku taageen gudoomiye muse iyo wasiir maxamuud xaaashi ,  inkastoo aanay ilo-wareedyadaasi xaqiijin wax dhibato ah oo soo kala gaaadhay.

Sidoo kale Xildhibaanada iyo xubnaha Golaha Dhexe ee Beesha uu ka soo jeedo Wasiirku ayaa aad uga cadhooday hadalkan ka soo yeedhay Muuse Biixi islamarkaasna hadda ku mashquulsan wada tashi wixii ay ka yeeli lahaayeen Wacad furkan gelin horeba ay kala kulmeen Musharax Muuse Biixi.

Isku soo wada duuboo nidaamkii Qori isu dhiibka ee ku salaysnaa xulafada Qabiil ee Xisbiga Kulmiye ku caanka baxay ayaa gashay marxalad siyaasadeed oo cusub isaga oon weli Xisbiga Kulmiye aan ka soo kaban kala jabkii labada Garab ee dhawaanta ka soo waajahday doorashadii Golaha Dhexe.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here