Wasiir Ka Tirsan Dawlada Jabuuti Oo U Geeriyooday Xanuunka Coronavirus

0
31

 

 

 

Jabuuti(saxilnews):-Wasiirkii madaxtooyada iyo Maalgashiga dalka Jabuuti Cali Geelle Abuubakar ayaa u geeriyooday xanuunka Coronavirus oo uu u jiifay maalmihii ugu dambeeyey.
wararka ka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wasiirka uu ku dhacay dhacay cudurkan safmarka ee Caronavirus, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhaqaatiir caafimaad ku dadaalayeen sidii wasiirka loo bad baadin lahaa isi uu uga bogsado cudurkan uu ugu dambeyn shalay u geeriyooday .
Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle oo aad isugu dhawaayeen Wasiirka ayaa tacsi u diray shacabka Jabuuti iyo Qoyskii uu ka baxay Wasiirka, waxa uuna wasiirka ku sifeeyay nin wanaagsan oo wax badan usoo galay Jamhuuriyada Jabuuti.
Dalka Jabuuti ayaa kamid ah wadamada Bariga Afrika kuyaala uu ku faafayo cudurka Caronavirus, waxaana Wasiir Cali geelle masuulkii ugu sareeyay ee gudaha Jabuuti ugu dhinta Cudurka Caronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here