Wasiir Dubbe: “Xeerkii kasoo baxay Baarlamaanka wuxuu ahaa go’aanka ugu dambeeya ee Soomaaliya”

0
18
.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee uu dalka ku jiro xilli Golaha Midowga Afrika iyo IGAD ay ku howlan yihiin xal u helidda arrimaha taagan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ku sheegay hadal ay dadka isla Twitterkiisa uga falceliyay qaarkood u fasirteen in dowladda ay ku adkeysaneyso go’aankii kasoo baxay baarlamaanka federaalka ee muddo kordhinta loogu sameeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Maanta waxaan Golaha Nabadda iyo Amniga warbixin ka siiyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaan mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso fududeynta Midowga Afrika ee wadahadalladeenna siyaasadeed oo lagu aadayo doorasho ay shacabka Soomaaliyeed ku dooranayaan dadka matalaya,” ayuu soo qoray.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Waxaa la filayaa in dhawaan lasoo saaro go’aanka ay golaha ka socda Midowga Afrika ka qaateen arrinta Soomaaliya, kaasoo lagu caddeyn doono war murtiyeed la sugayo.

Hase yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa durbaba kasii hor dhacday qoraalkaas, waxayna muujisay caro ku aaddan sida qaar ka mid ah xubnaha golaha ay u wajaheen xaaladda.

Digniin ku aaddan ku saabsan Kenya iyo Jabuuti

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay arrin aysan faahfaahin dheeri ah ka bixinin oo ay sheegtay in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ka dhex wadaan shirkada IGAD iyo Midowga Afrika.

.

XIGASHADA SAWIRKA,TQS

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abuukar Cismaan Dubbe, oo shir jaraa’id galinkii dmabe ee maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa bixiyay digniin.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka digaysaa xogaha xasaasiga ah ee hordhaca ah oo xaqiijinaya iyo dowladaha Kenya iyo Jabuuti ka dhex wadaan olole diblomaasiyadeed oo ay xubnaha guddiga amniga iyo nabadda Afrika kaga dhaadhicinayaan soo jeedin qodobo ay doonayaan in lagu daro war qoraalka oo la doonayo inuu soo saaro guddiga amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika,” ayuu yidhi Wasiirka Dubbe.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyay: “Sidaas darteed dowladda Soomaaliya waxay ka digaysaa wax kasta oo taabanaya gobanimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya., waxayna kasoo horjeeddaa dowladdu in dowlado xubno ka ah guddiga oo ay Soomaaliya kala dhaxeyso xurguf siyaasadeed ay guddiga amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika u adeegsadaan ku xadgudubka gobanimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

‘Go’aanka Baarlamaanka waa kama dambeys’

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqemeyso go’aannada baarlamaanka kasoo baxa oo kaliya.

“Ururrada aan xubnaha ka nahay, diblomaasiyiinta shisheeye iyo dalalka aannu leennahay cilaaqaadka diblomaasiyadeed waxaannu si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hayadda ugu sarreysa ee sharci dajinta dalka xeerarka kasoo baxa ay yihiin go’aanka ugu dambeeya ee qeynuuniga ah ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, xukuumadduna ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas dastuuriga ah.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay si cad u sheegeysaa inaysan cidna ka aqbaleyn ku xadgudubka arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo kasoo horjeedda xeerkii iyo sharciyaddii lagu aasaasay Ururka Midowga Afrika oo ay Soomaaliya qayb ku lahayd aasaaskiisii iyo taabbagalintiisii,” ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Hadalka Dubbe ayaa u muuqday mid ay dowladda Soomaaliya si dadban ugu sheegeyso inaan laga tanaasuli doonin muddo kordhintii uu baarlamaanka sameeyay. Laakiin wasiirka iyo saraakiisha kale ee dowladda federaalka midna si cad uma uusan xaqiijinin arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here