Wasiir Dabin-ka-bood Ah Iyo Koox Weriyayaal ah Oo Shalay Isku Baacsaday Fagaare Ka Baxsan Wasaarradiisa

0
30

Wasiirku Waxaa Uu Far Kaga Gabbaday Boqollaal Weriye Oo Ka War Helay Xog-warran Uu Bixinayay

Hargeysa  (Saxilnews.com)-Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa gaadhigiisa kaga baxsaday koox wariyayaal ah oo maalintii shalay kula kulantay xarunta golaha Guurtida oo uu kula ballansanaa guddi-hoosaadka arrimaha Bulshada ee golahaas. Wasiir Xuseen, ayaa isagu xoog ku dhaafay wariyayaal isku dayey inay su’aalo ka weydiiyaan ujeeddada loogu yeedhay iyo waliba hawlaha uu qaranka u hayo oo inta badan ah qaar dahsoor oo aan bulshadu wax badan ka ogayn. Wasiirka oo ay wehelinayeen saraakiil tiro badan oo wasaaradiisa katirsan, ayaa diiday inuu saxaafadda la hadlo, waxana uu si xoog ah ku galay baabuurkiisa oo golaha dhexdiisa taagnaa, isagoo sheegay inaanu haba yaraatee wax war bixinaynin, balse ma uu sheegin wax cudur daar ah oo uu arrintaas u haysto. golahaWasiirku waxa uu darawalkiisa amray inuu si degdeg ah golaha uga baxo, isagoo isla daqiiqadii uu baabuurka fuulayba dallacday Muraayadda Daaqadda, isla-markaana diiday inuu qanciyo saxafiyiiinta goobtaas joogay. Xuseen Cabdi Ducaale oo ah wasiir awood xad-dhaaf ah leh, isla-markaana saxaafadda madaxa bannaan si weyn uga dhuunta, ayaa fursadda shalay loo helay u arkay mid looga faa’iidaysan karo su’aalo la xidhiidha xogo bulshadu baahi badan u qabto uu uu ku fadhiyo, waxana uu door biday inaanu warbaahinta juuqba u odhanin. Dhuumashada wasiirkani ku jiro, Ayaan kalilya ku ekayn dhanka warbaahinta oo kali ah, balse waxa uu marar badan si toos ah uga dhego adaygay yeedhmooyin distoori ah oo uga yimi golayaasha qaranka, gaar ahaan kuwa Baarlmaanka, waxana yeedhmooyinka uu diiday ugu weynaa qaar la doonayey in wax lagaga weydiiyo qandaraasyada macdanta iyo baatroolka la xidhiidha ee wasaaradiisu gasho, kuwaas oo aanu ilaa imika golaha hortiisa ka caddaynin, isla-markaana aanu wali horkeenin hal heshiis oo uu galay. Xuseen Cabdi Ducaale oo muddo dheer golaha wasiirrada katirsanaa ayaa caan ku ah qarsashada iyo dabin-ka-boodnimada ka dhanka ah saxaafadda madaxa bannaan, waxana uu ka warwareegaa dhammaanba xogaha ay warbaahintu uga baahato wasaaraddiisa, marka laga yimaaddo cid gaar ah oo uu isagu danaynayo. Sidoo kale wasiirkani dulqaad uma laha wararka shaqadiisa   laga qoro, waxana, waxana uu kamid yahay wasiirrada ugu cabban marka la eego xogaha warbaahinta madaxa bannaani baahiso, iyadoo la xasuusto warbaahin badan oo uu dacwado ku furay. Wasiir Xuseen baxsashadiisa ka dhanka ah warbaahinta madaxa bannaani kuma eka goobaha ka baxsan wasaaraddiisa ee laga helo, balse waxa uu adkeeyey dhaqdhaqaaqyada xarunta uu ka hawlgalo, waxana uu gebi ahaanba wasaaradiisa ka mamnuucay inay wax wariyayaal ahi gudaheeda soo galaan, waxana uu ku ballamiyey oo ciddii halkaas gaadha soo celiya ciidamo boolis ah oo uu Albaabka wasaaraddiisa dhigtay. Kaliya waxa uu wasiirkani hadlaa marka uu isagu dan gaar ah leeyahay, gaar ahaan waxa uu warbaahinta uu cadaawadda gashaday beerlaxaysadaa oo la hadlaa marka uu difaacayo mashaariicda shidaalka iyo macdanta lagu baadhayo ee uu gacanta ku hayo, gaar ahaan marka Dawladda Somalia arrimahaas fadqalalayso. Waxa uu daboolaa oo daah weyn saaraa dhammaanba xogaha looga baahdo ee shaqadiisa la xidhiidha, waxana uu diidaa inuu telefoonkiisa gacanta ka qabto wariyayaasha xog-doonka ah ee soo waca, isagoo iska diidaya in wax xog ahi afkiisa kasoo baxdo. Dadka u dhuun daloola dhaqamada hoose ee wasiirkan iyo sababaha ku kallifa inuu hab-dhaqankaas yeesho, ayaa sheega inuu awood dheeri ah ka haysto dhinaca aqalka madaxtooyada, isla-markaana aanu dhibaato u arkaynin haddiiba ay dhacdo in saxaafaddu dhaliishiisa u bandhigto  cidda shaqada u dirsatay, waxana arrintan loo nisbeeyaa inay sabab u tahay inaan weli lagu soo darin isku-shaandhaymaha shantii sano iyo badhkii xukuumaddu jirtey qasriga madaxtooyada kasoo baxayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here